HomeUncategorized

Tahriibayaal Soomaali ah oo laga soo tarxiilay Sucuudiga oo Muqdisho soo gaaray.

Caption ...

Ray-sul wasaare Cumar Cabdirashid oo si aan loo kala harin loogu soo dhaweeyay Kismaayo
DHAGAYSO: Barnaamijkii Saaka iyo Dunida _Sabti_10
Xildhibaan Gollaha deegaanka degmada Hargaysa oo loo qabtay inuu gacantiis ku dilay nin shacab ah

Muqdisho, July 15 – Tahriibayaal Soomaali ah oo tiradoodu dhan tahay illaa 165 ruux ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo laga soo tarxiilay waddanka boqortooyada Sucuudiga.

Tariibayaashaan ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa keentay diyaarad xamuul ah oo aad u weyn taasoo gobollo kala duwan oo Sucuudiga ah ka soo aruurisay.

Dadkaan Soomaalida ah oo isku jiray rag iyo dumar ayaa muddooyinkaan dambe ku xirnaa xabsiyada dalka Sucuudiga kaddib markii ciidamada waddankaasi ay qab-qabteen dadkaan oo dhammaantood sharci-darro ku joogay Sucuudiga.

Qaar ka mid ah dadkaasi oo war-fidiyeennada la hadlay ayaa sheegay in ay la kulmeen luro kala duwan muddadii ay xabsiyada ku jireen iyo waliba intii ay dhuumaalaysiga ku joogeen Sucuudigaba.

Ma ahan markii ugu horraysay oo sidaan oo kale Muqdisho ay uga soo degaan dad Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka boqortooyada Sucuudiga, waxaana inta badan dadkaan la qabtaa inta ay ka gudbayaan xuduudda Yemen iyo Sucuudiga.

Diiwaanka Wararka’
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: