Switzerland: “$4.5Million baan ugu deeqnay Soomaaliya si loo joojiyo dhibaatooyinka,”

HomeWararka

Switzerland: “$4.5Million baan ugu deeqnay Soomaaliya si loo joojiyo dhibaatooyinka,”

War qoraal ah oo ay soosaartay Dowladda Switzerland ayaa lagu sheegay in dalkaasi uu Soomaaliya ugu deeqay aduun lacageed oo kor u dhaafaya dhaafeyso

Madaxweyne Deni:” Waa nasiib darro in qof intii Masjid lagu dilo haddana uu baxsado dilaagi (Daawo)
Banbax howleed ku Saabsan dib-u-eegista dastuurka oo lagu soo Gabagabeeyay Djibouti
(live ) Shirka Jaraaid: Wasiir Cawad oo ka hadlaya xiisada Kenya iyo Soomaaliya

War qoraal ah oo ay soosaartay Dowladda Switzerland ayaa lagu sheegay in dalkaasi uu Soomaaliya ugu deeqay aduun lacageed oo kor u dhaafaya dhaafeyso $4 million iyo bar oo dollarka Mareykana si loo xoojiyo dadaallada loogu jiro hagaajinta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, la dagaallanka dhaqamada waxyeellada leh oo ay ka mid yihiin Gudniinka Fircooniga ah iyo awoodsiinta dhallinyarada ee Soomaaliya.

Lacagahan ayaa lasoo mariyey Hay’ada QM ee UNFPA Safaarada Soomaaliya u qaabilsan dalka Switzerland oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in malaayiin haween iyo gabdho ah oo ku nool Soomaaliya ayaa weli halis weyn ugu jiraan dhimashada xiliga dhalmada iyo gudniinka Fircooniga ah.

Dhimashada xiliga dhalmada ayaa ah mid aad u sareysa, iyadoo 20kii dumar ahba mid ka mid ah oo ay da’doodu tahay 15 jir u dhimato, halka la filan karo inay u dhintaan uurka ama dhibaatooyin la xiriira dhalmada marka ay gaaraan da’da 49. Faafitaanka gudniinka fircooniga ayaa gaaray 99 boqolkiiba dumarka iyo gabdhaha da’doodu u dhexeyso 15 ilaa 49 sano jir.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan taageero siino Soomaaliya iyada oo loo marayo UNFPA, maadaama aan sii wadno wadashaqeynta si gacan looga geysto dib-u-dhiska nidaamka caafimaadka iyo wax ka qabashada caqabadaha gaar ahaan haweenka iyo gabdhaha soo wajahay” ayuu yiri Thomas Oertle oo ah Agaasimaha Gobolka Geeska Afrika ee Hay’adda Iskaashiga Switzerland.

Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya Mr. Anders Thomson ayaa mahadcelin balaaran ujeediyey Dowlada Switzerland isagoo sheegay in taageeradan ay imaaneyso waqtiga saxda ah ee adeegyadan muhiimka ah inta badan loobaahanyahay, iyadoo lagu gudajiro aafada Covid-19, oo ah xilli nuglaanta iyo baahiyaha haweenka iyo gabdhaha ay xoogeysteen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: