Guddoomiyaha gobalka Banaadir oo daahfuray mashruuca solarka

HomeWararka

Guddoomiyaha gobalka Banaadir oo daahfuray mashruuca solarka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Filish” ayaa daah-furay hirgelinta mashruuca solar-ka

DUQEYN KA DHACDAY DEGMADA SAAKOW OO LAGU DILAY XUBNO KATIRSAN AL-SHABAAB
Laamaha amaanka Muqdisho oo xiray mid kamid ah shaqaalaha Wasaaradda waxbarashada DFS
Ururka ay ku mideysanyihiin Ganacsatada iyo Beeraleyda Qaadka Kenya oo sheegay in Somaliland qaadka geyn donaan

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Filish” ayaa daah-furay hirgelinta mashruuca solar-ka oo laga hirgaliyay waddada isku xirta degmooyinka Shangaani,Xamar-weyne iyo Xamar-jajab.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay billaabatay gelinta solar-ka waddada dhawaana la dhameystiri doono, isagoo shacabka ugu baaqay in ay ilaashadaan leyrarkaan maadaama ay iyagu leeyihiin.

Guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee gobolka Banaadir mudane Cumar Cali Cabdi ayaa xusay in ku dhawaad 200(laba boqol) oo leyr ay geliyeen waddooyinka Inter-lock-yada ayna sii dardar gelin doonaan dib u dayactirka solar-ka, wuxuna uga mahadceliyay world bank oo mashruucaan maalgelinaya.

Guddoomiyah gobolka Banaadir mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa tilmaamay in loo gudbi doono waddooyinka kale ee harsan haddii mashruucani lasoo gaba-gabeeyo.

Waddadaan ayaa kasoo billaabato xaruntii Madbacadda Qaranka, iyadoo marta,xarunta Gobolka Banaadir,Kawaanka malaayga illaa ay ku dhamaato dekadda, waxaana muddooyinkii dambe xilliyada habeenki ay aheyd mugdi.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: