Dowladda Ugandha oo ciidamo cusub u soo dirtay Somaaliya

Dowladda Ugandha oo ciidamo cusub u soo dirtay Somaaliya

Dowladda Uganda ayaa shaacisay in dalka Soomaaliya ay Ciidamo hor leh u soo dirtay, kadib markii bilooyin kahor ay joojisay Ciidankii ay u soo diri jirtay Somalia, sababo la xiriira Cudurka halista ah ee COVID-19.

Taliyaha Ciidanka Milateriga Uganda Generaal David Rubakuba Muhoozi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay inay dib u bilaabeenn tallaabooyinkii ay Ciidamada ugu diri jireen Soomaaliya.

Taliye David Muhoozi ayaa khamiistii lasoo dhaafay Uganda kasoo sagootiyay 1,800 oo Askari oo ka tirsan guutada 30-aad ee Ciidanka difaaca Uganda, kuwaasi oo ku wajahan dalka Soomaaliya.

Isaga oo sii hadlaayay Taliyaha Ciidanka ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka cusub ay yihiin kuwo aad u wanaagsan, ayna ku kalsoon yihiin in guulo ka soo hoyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn General David Rubakuba Muhoozi ayaa waxaa uu tilmaamay in Taliskooda iyo howlgalka Amidowga afrika ee AMISOM ay qaadeen tallaabooyin looga hortegayo faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus, xili uu sameeyn kal horey ku yeeshay Ciidanka.

Ciidamada Cusub ee ka socda dowladda Uganda ee imaanaya Somalia ayaa waxaa ay ku biiri doonaan Howlgalka AMISOM, waxaana horey Uganda uga joogay dalka Askar gaareysa 6,000, kuwaasi oo intooda badan ka howlgalka Gobolada dalka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com