Banbax howleed ku Saabsan dib-u-eegista dastuurka oo lagu soo Gabagabeeyay Djibouti

HomeWararka

Banbax howleed ku Saabsan dib-u-eegista dastuurka oo lagu soo Gabagabeeyay Djibouti

Banbax howleedkan oo ay ka soo qaybgaleen hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La socodka e

Nabadoonadda Puntland oo ka hadlay kisaaska dilaalka ah iyo dhibaayooyinkay ku qabaan (dhegayso)
Daljir & BBCMA: BARAARUGGA Haweenka| (Taxanaha 109aad
Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Buhoodle (dhegayso)

Banbax howleedkan oo ay ka soo qaybgaleen hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La socodka ee Dib-u-eegista Dastuurka ee baarlamaanka, iyo Guddiha Madaxbannaan ee Dib-eegista iyo Hirgelinta Dastauurka, oo socdyay muddo 5 maalin ah ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Djibouti ee dalka Djibouti.

Xiritaanka shirka waxaa goobjoog ka ahaa madaxda saddexda hay’adood ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka, Guddoomiyaha golaaha wakiilada Puntland mudane C/xakiim Mohamed Ahmed, iyo habdhowraha golaha shacabka mudane Sharmarke Garaad Saleebaan iyo lataliyaasha hayadaha kala duwan.

Intii u socday banbax howleedkan waxaa saddexda hay’adood ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ay si wadajir ah u diyaariyeen istiraatiijiyadda midaysan ee wacyigalinta iyo latashiga dadwaynaha ee dib-ueegista dastuurka iyo qorshe howleedka midaysan ee latashiga iyo wacyigalinta dadwaynaha ee arrimaha dib-u-eegista dastuurka sanadkan 2019. Sidoo kale waxaa la isku raacay waqtiga la bilaabayo latashiyada iyo wacyigalinta dadwayanah ee ku saabsan cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay.

Xubnihii ka hadlay kulanka ayaa bogaadiyay wadashaqaynta saddexda hay’adood ee u xilsaaran dib-ueegista dastuurka iyo sida ay uga go’antahay in la dhamaytiro dastuurka, waxayna ballan qaadeenin ay sii xoojin doonaan wada shaqayntooda maadaama ummadda soomaaliyeed ay ka sugayso dastuur dhamaystiran oo lagu wada heshiiyay.

Gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland C/xakiim Maxamed Axmed oo hadal ka yiri kulanka xiritaanka ayaa sheegay in loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sidii ummadda soomaaliyeed dhibta iyo is qabqasiga ay uga bixi lahayd si taas loo gaarana loo baahanyahay heshiis ummadda ay wada dhigatay, kaasna waa sidii loo dhamaystiri lahaa dastuurka oo ah heshiiska bulshada.

Gabagadii, waxaa lagu ballamay in la bilaabo ololaha wacyigalinta iyo latashiyada dadwaynaha ee dib-ueegidta dastuurka gaar ahaan cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay bisha maarso 2019, iyadoo qorshuhu yahay in la dhamaytiro dastuurka ku meelgaarka ah sanadkan 2019 .

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: