HomeUncategorized

Sucuudiga oo Soomaali ku Sugan Yemen Duqayn ku dilay

Isniin, Luuliyo 06, 2015 (Daljir) — Magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa lagu soo War-ramayaa in ay duqeyn diyaaradaha Sacuudiga ay ka geysteen ay ku dhinteen muwaadiniin Soomaaliyeed.

Buuq ka dhashay fadhigii golaha wakiilada Somaliland ee maanta.
DHAGAYSO:Dibad-bax lagu taageerayay Puntland loogana soo Horjeeday AMISOM oo ka Dhacay Cabud-waaq
Dab ka kacay mid kamid ah Guryaha Bosaaso oo Afar Qof dilay

Isniin, Luuliyo 06, 2015 (Daljir) — Magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa lagu soo War-ramayaa in ay duqeyn diyaaradaha Sacuudiga ay ka geysteen ay ku dhinteen muwaadiniin Soomaaliyeed.

Gantaal ayaa la sheegay inuu ku dhacay guri ay ku sugnaayeen dad Soomaali ah oo aad u badan, waxaana halkaas ku dhintay 6-qof oo ka mid ah, sida ay saxaafadda u sheegeen dadkii ka badbaaday duqeynta.

Sidoo kale, waxaa jira dad ku dhaawacmay Weerarkaas, waxaana halka duqeynta ay ka dhacday la sheegay inay ka dhawaayeen kooxda Xuutiyiinta ah ka dagaalama dalka Yemen.

“Gantaal ayaa ku dhacay guriga ay ku sugnaayeen dadka Soomaalida ah, waxaana meesha ku dhimatay lix ka mid ah dadkii Soomaaliyeed, tiro kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray,” ayuu yiri goobjooge ku sugan magaalada Cadan.

Dhinaca kale, Muwaadiniin Soomaaliyeed oo badan ayaa waxay weli ku xayiran yihiin magaalooyin kala duwan oo ku yaalla dalka Yemen, iyadoo dadkan ay qaar ka mid ah sheegeen inay doonayaan inay aadaan dalkooda Somalia.

Ugu dambeyn, waxay ahayd 27-kii Abriil 2015, markii diyaarado dagaal ay duqaeyn ku dileen 40-qof oo Somali ah, kuwaasoo la sheegay inay ku socdeen magaalada Cadan si ay ugu ambabaxaan Somalia.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: