Sucuudiga oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyey Sirdoonkiisa, (Maxaa Sababay) ?

Qaraarro boqortooyo oo dhawr ayaa Sucuudigu soo saaray kuwaas oo lagu bilaabay isku shaandhaynta saraakiil sar sare, kadib markii bishii hore Amiir Maxamed oo kow iyo soddon jir ahi noqday dhaxal sugaha koobaad ee taajka Sucuudiga.

Waxaana ka mid ah meelahaa isku shaandhaynta lagu sameeyay waaxda nabad sugidda si wax looga qabto argagixisada iyo arimaha la xiriiraba, waaxdaas oo markii hore hoos tagi jirtay wasaaradda arimaha dibadda.

Qaraarrada la shaaciyey waxa ka mid ah in la bedeli doono taliyaha ilaalada boqortooyada, halka dhawr xil oo cusubna la shaaciyey oo ka mid noqon doona kooxda la shaqaynaysa amiirka dhaxal sugaha ah ee Maxamed Bin Salmaan.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com