New York, November 19, 2013 – Qaramada Midoobey ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqday ansixinta sharciga mamnuucida ?Burcad-badeeda xeebaha Soomaaliya, gollaha ayaa baaq loo dhan yahay u diray Soomaaliya.
Qaramada Midoobey ayaa ansixiyey qaraar dhigaya in dib loo abbaabulo Maraakiibta la dagaalanka Burcad-badeeda, Qaramada midoobey waxay sidoo kale ugu baaqday dowladda Soomaaliya in ay ku dadaasho xir-xirista Burcad-badeeda iyo in si deg deg ah Maxkamad loo soo taago.
War-bixinta Qaramada midoobey ee lagaga hadlayo Burcad-badeeda oo shalay soo baxday, mar la kordhinayey xilliga uu sii jirayo howl-galka la dagaalanka Burcad-badeeda ayaa waxaa baaq loogu jeediyey dalalka bariga Afrika in ay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah kooxda.
Soomaaliya ilaa haatan ma leh maxkamad Burcad-badeed in kastoo la qorshaynayo dhismaheeda, sidoo kale waxaa aad u yar xabsiyada lagu xiro ragga ka tirsan Burcad-badeeda xeebaha Soomaaliya, marka laga reebo deeganada Puntland ?oo dhowr xabsi laga dhisay.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir
FAALLOOYIN & FALCELIN