HomeUncategorized

Soomaaliland oo xirtay xafiis dadka u fududayn jiray keenista E-Baasaboor oo ku yaalay Hargaysa

Hargaysa, October 7, 2013 - Maamulka Soomaaliland ayaa xiray goob dadka looga dalbi jiray baasaboorka Soomaaliga ee loo yaqaan E-Passaport, kadib baaris dheer iyo dabagal ay iska kaashadeen ciidamada Sirdoonka.

DHAGAYSO Dagaal Dhexmaray Somaliland iyo Puntland
DHAGAYSO:Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Wariye Khadar
DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Khadar Cawl.

Hargaysa, October 7, 2013 – Maamulka Soomaaliland ayaa xiray goob dadka looga dalbi jiray baasaboorka Soomaaliga ee loo yaqaan E-Passaport, kadib baaris dheer iyo dabagal ay iska kaashadeen ciidamada Sirdoonka iyo kuwa booliska ee Soomaaliland.

Wasiirka arrimaha debeda ee Soomaaliland Cali Maxamed Waran-cade ayaa shaaciyey warkan mar uu la hadlay idaacada BBC qaybteeda Af-Soomaaliga, wasiirku waxaa uu sheegay in ay dambiilayaal yihiin dadka la qaqabtay ee Baasaboorka Soomaaliga keeni jiray Hargaysa.

?Shaqsiyaadkii ayaan qabanay waana xirnay xafiiskii dadka looga dalbi jiray Baasaboorka, Maxkamad ayaan soo taagi doonaa sida ugu dhaqsiyaha badan, waa arrin muddo dheer baaris lagu waday.? Ayuu yiri wasiirka arrimaha debeda.

Soomaaliland waxaa laga isticmaalaa Baasaboorkii hore ee cagaarka Soomaaliga, kaas oo meel walba lagu tago marka laga duulayo gobollada Soomaaliland, tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee Soomaaliland ay ka qaadato Baasaboorka cusub ee Soomaaliga.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: