Soomaali magan-gelyo ka heshay Ireland iyo meleteriga Malta oo badbaadiyey muhaajiriin Afrikaan ah

Vittela, July 17- 2013 – Jaziirada Malta waxaa ku sii kordhaya dadka muhaajiriinta Afrikaanka ah ee ay diiwaan geliyeen todobaadyadii tegey, iyadoo haatan ku mashquulsan sidii dalalkaasi ay uga bixi lahaayeen Jaziirada, isla markaasna magan-gelyo u heli lahaayeen.

Tobbanaan qof oo Soomaali ah ayaa la soo sheegayaa gelinkii dambe ee shalatyo in ay ka bexeen dalka Malta iyagoo magan-gelyo ka helay Jaziirada kale oo ku taala qaarada Yurub ee Ireland, dadkaasi ayaa waxaa ku jira caruur iyo dumar.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra?isal wasaaraha Malta ayaa sidaasi lagu sheegay, waxaana qoraalka mahad-celin loogu jeediyey dalka Ireland oo dhowr jeer ka caawiyey Jaziirada Malta in uu magan geliyo siiyo dad Afrikaan muhaajiriin ah oo halkaas ku noolaa.

Docda kale meleteriga Malta ayaa labba maalmood ka hor badbaadiyey ku dhowaad 100 muhaajiriin oo Soomaali u badan, kuwaasi oo doon kula xumaatay meel badda ah, gaar ahaan meel 7 mile u u jirta Jaziirada Malta, dadkaas waxaa la gaarsiiyey gudaha Jaziirada.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com