Somaliland oo ka Jawaabtay Hadalkii Madaxwaynaha Puntland ee Arimaha Sool

HomeWararka

Somaliland oo ka Jawaabtay Hadalkii Madaxwaynaha Puntland ee Arimaha Sool

Wasiirka warfaafinta ee Somaliland ahna afhayeenka guud ee madaxtooyada Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo)  ayaa ka hadlay hada

JIGJIGA: Dad taageero u muujiyay TPLF oo xabsiga loo taxaabay
Madaxweynihii hore ee Galmudug oo ka hadlay khilaafka madaxda Hiirshabelle
Faahfaahin: Qarax kadhacay goob u dhow tiyaatarka Qaranka

Wasiirka warfaafinta ee Somaliland ahna afhayeenka guud ee madaxtooyada Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo)  ayaa ka hadlay hadalkii madaxwaynihii Puntland uu shalay ka jeediyay Furitaankii kalfadhiga 41aad ee Golaha Wakiilada Puntland ee shalay ka furmay magaalada Garoowe.

Madaxwaynaha Puntland ayaa sheegay inay xuduud yeelan doonin gobolada Nugaal iyo Sool oo ah gobolo Soomaaliyeed oo deegaan iyo dhalasho ay ka dhaxayso, dhul ahaana katirsan Puntland.

Wasiira Warfaafinta Somaliland ayaa sheegay xudduuda Somaliland inay tahay mid heer caalami ah, oo haddii ay dhacdo in gobolka Sool Puntland uu raaco mid khatar ku noqon karta xuduudaha Midowga Afrika, sida uu yiri.

“Maamul goboleedka Soomaaliya ee Garoowe ee uu ka taliyo Cabdiweli Gaas, Baarlamaanka gobolkiisa inay ka go’an tahay inuu si sharciga ka baxsan oo xoog kula wareegaan gobollo ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku suntan xuduudaha Caalamiga ah ee tagey isticmaarku, isla markaana  hore u   ayideen ururka midnimada afrika shirkoodii  ka dhacay ay ku andacoonayaan  xuduud ku dhisan reernimo, taasi oo haddii si heer caalamiya iyo mid goboleedba gardarada Cabdiweli ay horseedi doonto  in  xuduudaha dalalka Afrika aanay  ahaan doonin sid mandaqada Geeska Afrika.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: