Ardayda Reer Baladwayne oo maanta u fariisanaya imtixaanka shahaadiga

Ardayda Reer Baladwayne oo maanta u fariisanaya imtixaanka shahaadiga

Ardayda faslka 4aad ee dugsiga sare iyo shanaad ee dugsiga dhexe ee magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saakay oo Axad ah u fariisanaya imtixaanka shahaadiga, kadib daadadkii kadhashay fatahaadda wabiga ee saamayeey bulshada magaalada Baladwayne iyo dugsiyada waxbarashada.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya C/Raxmaan Daahir Cusmaan oo shalay gaarey Baladweyne ayaa Maanta u furaya Imtixaanka 1400,oo Arday oo sanadkaan ka qalan jebinaya dugsiyada Sare ee Magaalada Baladweyne.

19kii Bishii la soo dhaafay ee May ayaa Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya waxa ay qaaday imtixaanka mideysan ee dugsiyada Sare kaas oo si isku-mid ah looga qaaday Ardayda deegaanada maamulada,Koonfur Galbeed,Jubbaland,Galmudug iyo deegaanada kale ee Hir-Shabeelle marka laga reebo Baladweyne.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com