Shirweynihii Hiigsiga qorshaha dowladda ee 2016 oo laga soo saaray dhowr qodob oo waa weyn

Muqdisho, September 7, 2013 – Gelinkii dambe ee shalayto waxaa Muqdisho ku soo dhamaaday shirweynihii Qaran ee hiigsiga qorshaha dowladda ee sanadka 2016-ka, shirka ayaa waxaa ka soo baxay shan qoddob oo waa weyn, iyadoo aad looga dooday arrimaha Dastuurka, dib u heshiisinta iyo federaalka.

Guddiyo kala duwan oo howsha loo saaray ayaa qoddobo hoosaadyo ka sameeyey shanta qoddob ee waa wey ee laga dooday shantii maalmood ee uu socday shirwehana Qaran.

?

Qoddobka koowaad: ?Arrimaha Dastuurka ayaa waxaa laga soo saaray talooyin badan oo guddigu bixiyeen.

1.??????? In la sameeyo dhammaan hay?adaha dhameystirka dastuurka qaabilsan muddo 60 maalmood gudaheed.

2.??????? In la sameeyo maxkamadda dastuuriga ah ee dastuurka ku qoran muddo 90 maalmood gudahood ah.

3.??????? In la sameeyo dhammaan hay?adaha muhiimka u ah dib-u-eegista iyo hir-gelinta dastuurka muddo 90 maalmood gudahood ah.

4.??????? In dowladdu ay xaqiijiso in guddiyada la magacaabay ay noqdaan kuwo madax-bannaan sida uu dastuurku tilmaamay oo howshooduna ay noqoto mid ay u madaxbannaan yihiin.

5.??????? In la sameeyo hannaan dadweynaha lagu wacyi-geliyo, loogana qayb-gelinayo dib u eegista dastuurka, lana baro barnaamijka federaalka.

6.??????? In dowladdu ay xaqiijiso in dhammaan qaybaha bulshada, sida bulshada rayidka ah iyo maamullada ay ka qayb-qaataan howsha dib loogau eegayo dastuurka dalka si uu u noqdo mid dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin.

Qoddobka labbaad:?Arrimaha federaalka ayaa aad looga hadlay, waxaana qoddobka oo ku salaysnaa Federaalka iyo wadaaga khayraadka dalka lagu shaaciyey, in Federaalku yahay nidaamka keli ah ee isu keena kara dadka Somaaliyeed.

1.??????? In dowladdu ay dhisto gudDiga xuduudaha iyo arrimaha Federaalka ah ee uu farayo dastuurka Soomaaliya ee ah in lagu dhiso muddo 60 maalmood ku siman.

2.??????? In unugyada federaalka ah ay ku saleysnaadaan isku filnaansho dhaqaale, ayna noqdaan dad lagu saleeyay habka juquraafiga ah oo ay ahaadaan dad kala duwan.

3.??????? In dowladda Soomaaliya ay hoggaamiso, ayna billowdo barnaamij lagu wacyi-geliayo dadweynaha Soomaaliyeed.

Qoddobka saddexaad:?Habkii loo meel-marin lahaa hanaan siyaasadeed oo leh doorashooyin iyo Asxaab badan waa la isku afgartay, waxaana dowladda loogu? baaqay in ay abuurto deegaano u diyaarsan in ay ka dhashaan Axsaab siyaasadeed oo badan oo ku tartama tallada dalka.

1.??????? In dowladdu ay dhisto guddiga doorashooyin oo madax-bannaan muddo lix bilood gudahood ah.

2.??????? In xeerka ama sharciga la meel-mariyo muddo hal sano ah gudahood ah.

3.??????? In dowladda ay hirgeliso barnaamij shacabka lagu barayo arrimaha doorashooyinka oo baahsan.

4.??????? In axsaabta siyaasadeed ay ahaadaan kuwa heer Qaran ah oo aysan ku salaysnaanin qabiil, naceyb ama afkaar xagjirnimo ah iyo IWM.

5.??????? In golaha shacabka uu meel-mariyo sharuuc qeexaysa habka loo maal-gelinayo ololayaasha siyaasadeed ee dalka, isl amarkaana asxaabta lala xisaabtamo.

6.??????? In beesha caalamku ay dowladda Soomaaliya ku taageerto wixii farsamo dhaqaale ah ama siyaasadeed oo lagu dabaqayo sidii lagu meel-marin lahaa hannaankaas siyaasadeed.

7.??????? In la isla meel dhigo ama lasii diyaariyo hanaan – haddii wax deg-deg ah ay yimaadaan uu qof waliba codkiisa ku dhiiban karo.

Qoddobka Afraad: ?dib u habaynta Dowladda ayaa qodobkaas lagu saleeyey.

1.??????? In la sameeyo guddiga la dagaalanka musuqa sida ku cad dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya muddo 90 maalmood gudaheed ah.

2.??????? In la sameeyo xafiiska ilaalinta hantida Qaranka sida ku cad dastuurka Qaranka muddo 90 maalmood gudaheed ah.

3.??????? In la sameeyo guddiga xaquuqul insaanka Soomaaliya muddo 90 maalmood gudaheed ah.

4.??????? In la sameeyo guddiga shaqaalaha dowladda sida dastuurka ku cad muddo lix bilood gudahood ah.

5.??????? In la sameeyo keydka Qaranka ama keydka dukumintiyada Qaranka si uu dib u keydiyo wixii war ah ama macluumaad ah, wixii ku saabsan warqadaha dowladda hal sano gudaheed.

Qoddobka shanaad:?Dib-u-heshiisiin in la sameeyo, in siyaasada dadka la gaarsiiyo, lagana shaqeeyo hab cadaalladeed xilliga kala kuurka lagu gudo jiro, waxaana la isku waafaqay in dowaladdu ay bilowdo barnaamij dib u heshiisiineed oo baahsan.

1.??????? In dowladdu ay wada-hadal la furto dhammaan cidda kasoo horjeedda.

2.??????? In dowladdu ay raadiso oo ay wada-hadal la furto maamul goboleedyada.

3.??????? In dowladdu ay sii waddo wadahadalka ay kula jirto Somaliland

4.??????? In dowladdu ay ka shaqeyso awoodsiinta odoy dhaqameedyada ayna??kobciso doorkooda nabadeynta xagga bulshada.

5.??????? In lagu simo hannaanka awoodda dowliga lab iyo dhidig una sinaadaan hannaanka shaqada dowliga ah, kana qayb-qaataan dadka laga tirada badan yahay dhammaan hannaanka dowliga ah heer walbo oo uu yahay.

6.??????? In dowladdu ay dhisto guddiga runta iyo dib-u-heshiisiinta sida ku cad dastuurka muddo lix bilood gudahood ah.

7.??????? In dowladdu ay dhisto guddiga dhulka iyo hantida muddo lix bilood gudahood ah.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com