HomeUncategorized

Shirka wadatashiga Puntland iyo dowladda Somaliya oo ka Furmay Garowe

Sabti, Abriil 11, 2015 (Daljir) —Shirkan oo ahaa mid wada tashi ah una dhaxeeyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa maanta ka furmay xarunta wasaaradda caafimaadka ee magaalada Garowe, waxaana uu socon doonaa muddo laba maalin ah sida la sheegay.

Caawa iyo Daljir, Salaasa, April 23.2013, Khadar Cawl Ismaaciil (Daljir Buuhoodle)
DHEGEYSO-Warbixin ku saabsan roob-doon kadhacday Boosaaso.
DHAGAYSO:Faroole oo ka warbixiyay Ujeedka safarka uu ku yimid Garowe

Sabti, Abriil 11, 2015 (Daljir) —Shirkan oo ahaa mid wada tashi ah una dhaxeeyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa maanta ka furmay xarunta wasaaradda caafimaadka ee magaalada Garowe, waxaana uu socon doonaa muddo laba maalin ah sida la sheegay.

Furitaanka shirka waxaa ka soo qayb-galay wasiirka koowaad ee dowladda Federaalka ah ee Somaaliya Cumar Cabdirashid ,madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ,xubno ka tirsan golaha wasiirada ee labada dhinac iyo xildhibaanno ka tirsan barlamaanada Puntland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland oo furay shirka ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid looga hadlayo heshiisyadii horey u dhax-maray labada dhinac iyo in la falanqeeyo hiigsiga 2016-ka oo dowladda hadda jirta ku shaqaynayso.

‘Waxaan aaminsan-nahay in dastuurka ay ku socoto fagasho tira badan,waa in dastuurka fagashadda laga daayo,waxa la badalayo waa inay noqdaan wax la isla og yahay’ayuu mar kale yiri madaxweynaha oo shaki ka muujiyay isbadalada lagu sameeyay dastuurka.

Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo isna shirka ka hadlay ayaa sheegay in wada hadaladan laga filayo in ay noqdaan kuwa mira dhal ah ,isla markaana diiradda la saari doono sidii xal loogu helo khilaaf-yada yar-yar ee labada dhinac ka dhaxeeya.

Waxaa uu raysul-wasaaruhu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Puntland uu horey uga dhaxeeyay xiriir wanaagsan ,isla markaana la sii anba qaadi doono heshiisyadii horey loo gaaray iyo sidii loo hirgalin lahaa.

Arimaha ugu muhimsana ee shirka lagu soo hadal qaaday ,waxaa kamid ah maamul u samaynta gobollada dhexe ee Soomaaliya ,waxaana madaxweynaha Puntland uu shirka ka sheegay in aysan ka soo horjeedin hirgalinta maamulka gobollada dhexe hadii hab sharci ah loo maro.

Ugu danbayn,dhinacyadii shirka ka qayb-galayay ayaa isku dhex xulay guddi la socda wada hadaladan iyo sida ay u socdaan ,waxaana lagu wada in marka la soo gaba-gabeeyo  laga soo saaro qodobo la xiriira waxa la isku waafaqay.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: