Shirka 66-aad ee WHO oo Kuwayt ka Furmaya iyo Somaliya oo ka Qayb-galaysa

Isniin, Oktoobar 05, 2015 (Daljir) — Wafdi ay Hoggaaminayso Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed ayaa maanta gaaray Dalka Kuwait, halkaas  oo ay uga qayb gali doonaan shirka kalfadhiga 62aad  ee Ururka Caafimaadka Adduunka Qaybta Bariga Dhexe oo ka furmaya dalkaas.

Wafdiga Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxaa ka mid ah La Taliyaha Wasaaradda Caafimaadka  Dr Cabdi Cawad  iyo  Maamulaha Xarunta Qaliinka Indhaha ee Muqdisho Dr Cabdisamad Xasan Maxamed.

Wafdiga Wasiirka Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed Markii ay tageen Dalka Kuwait waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalkaas Danjire Cabduqaadir Amiin Sheekh, la Taliyaha Safaaradda Abiib Muuse Faarax   iyo u qaybsanaha Waxbarashada iyo dhaqanka ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kuwait  Dr Cabdiladiif Xuseen Maxamed.

Shirka oo maanta dalka Kuwait ka furmaya ayaa socon doona muddo Sideed Maalmood ah, waxaana ka qayb galaya Wasiirada Caafimaadka Dalalka Carabta.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com