Shir looga hadlayo Cafimaadka & Cuduradda faafa oo Garoowe ka qabsoomay

HomeWararka

Shir looga hadlayo Cafimaadka & Cuduradda faafa oo Garoowe ka qabsoomay

Wasiirka Wasaradada Cafimaadka Mudane Siciid Jaamac Qorsheel ayaa maanta shir gudoomiyay shirka guddiga xakamaynta iyo ka hortaga cudurada faafa oo k

Warka Arooryo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Gobalka Karkaar degaano katirsan oo abaar lagaso sheegayo (dhegayso)
“Saaka waxaan ku faraxsanahay inaan ka dhabeeyo haddalki Garaadka, Balanteenu waa Burco

Wasiirka Wasaradada Cafimaadka Mudane Siciid Jaamac Qorsheel ayaa maanta shir gudoomiyay shirka guddiga xakamaynta iyo ka hortaga cudurada faafa oo ka kooban madaxtooyada, wasaaraddaha qaarkood, wakaalada biyaha iyo dawladda hoose degmada Garowe.

Shirka oo maanta ka qabsoomay hoolka degmadda hoose kaasoo ay ka soo qaybgaleen guddiyada xaafadaha Garowe iyo kaamamka barakayasha. Dawladda hoose ee garowe ayaa guddiga la wadaagtay shaqooyinka ay ka qabteen kaamamka kuwaasoo iskugu jira qaadida qashinka, kor uqaadida wacyigalinta.

Abdirizak Artan madaxa xogta wasaraadda caafimaadka dawladda Puntland ayaa soo bandhigay shaqada wasaaraddu qabatay ee loogu talagalay in looga jawaabo laguna xakameeyo cudurka sidoo kale in la diyaariyay xarumaha lagu karantiilayo laguna dawaynayo dadka xanuunka ku dhacay, waxa uu sidoo kale kula dardaarmay masuuliyiinta ka socday kaamamka barakacayaasha ay kor uqaadaan nadaafada degaankooda, gacmaha dhaqdaan kuna dadaalaan
nafaafada, haddii ay la kulmaan qof xanuusana si degdeg ah loo gaarsiiyo xarumaha caafimaadka.

Mudane Siciid Jamac Qorsheel oo shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa yiri:-
“Shirkaan ka guddi ahaan ah ahmiyad gaar ah ayuu noo leeyahay waxaana ku faraxsanahay inaan arko shaqooyin wanagsan ee degmadu qabatay, balse wali wax badan dhimanyihiin, madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka oo gudiga magacaabay waxay ugu talagaleen in sida ugu saraysa looga jawaabo cudurka laguna xakameeyo.

“ Cudurkaan waxaa ugu weyn ee looga jawaabi karo waa in lagu dadaalo nadaafada si looga hortago, qashinka in la iska fogeeyo oo meelo gaar ah la dhigo, waxaan dawlada hoose kula talinaynaa in kaamamka xanuunku ka jiro in si joogta ah looga qaado qashinka si loo xakameeyo fiditaanka xanuunka, wasaradda caafimaadka waxay diyaarisay meelo gaar ah oo lagula tacaalayo bukaanada xanuunku haleelo, waxaan masuuliyiinta kaamamka ka rajaynayaa inay kaalintooda qaataan si wadajir looga wada jawaabo.”

Shirka waxaa wasiirka kala qaybgalay wasiirada iyo maareeyaasha dhawaan uu magacaabay madaxweynaha dawladda Puntland iyo maamulka degmadda Garowe.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: