Shir looga hadlayo ammaanka iyo abaaraha oo lagu qabtay degmada Qardho ee gobolka Kar-kaar.

Qardho, April, 27- Shir ballaaran oo looga hadlayo nabadda ayaa lagu qabtay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Kar-kaar, kaasi oo ay ka soo qaybgaleen maamulka gobolka, kan degmada, culimo-udiin, urarrada ka jira gobolka qaar kood iyo marti sharaf kale.

Kulanka oo muddo saado ah socday waxaa lagu cambaareeyey dilalkii ka dhacay magaalooyinka Galkacyo, Garoowe, Bossaso iyo Dhahar, kuwaasi oo isugu jiray dilal qorshayn oo aan la aqoon cidda gaysatay iyo kuwa ku salaysan aano qabiil.

Dadkii shirka ka soo qaybgalay oo ay ka muuqatay caro la xiriirta sida ay uga xunyihii dilalkii dhacay ayaa sheegay in loo baahanyahay in laga hortago caadaystayaasha u guntaday dilalka dadka aan waxba galabsan.

Sidoo kale waxaa shirka looga hadlay sidii loogu gurman lahaa dadka abaartu saamaysay ee ku dhaqan gobolka oo ka mid ah meelaha ugu daran ee abaartu ku dhufatay. Waxaana isbitaalka guud ee magaalada Qardho wali lagu dabiibaya dad nafaqo la?aani hayso abaarta aw-geed.

Wariyaha Daljir ee gobolka Kar-kaar Muxuyadiin Hiirad Kaatun oo shirkaasi ka qaybgalay ayaa sheegay in ka qaybgalayaashu ay isku raaceen in la isu diyaariyo ka hortagidda ammaan xumida iyo taageeridda dadka abaartu cayraysay.

Axmed Sh. Maxamed ?Tallman?
Daljir Bossaso

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com