Shaqsi hubka ka iibin jiray Alshabaab oo la Xukumay

Shaqsi hubka ka iibin jiray Alshabaab oo la Xukumay

Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada qalabka Sida ayaa maanta waxaa ay xukun ku riday Cadow Cabdulle Axmed (Carab), kaasi oo loo heysta u daabulidda hubka iyo rasaasta nuucyadooda kala duwan dagaalamayaasha Alshabaab.

Shaqsiga xukunka lagu riday ayaa waxaa la sheegay hubka uu geyn jiray deegaanada Kuunya Barrow, Toorotoorow iyo Mubaarag, isaga oo ku kala wareejin jiray shaqsiyaad Alshabaab u qaabilsanaa Keydinta Hubka sida uu garsoorka ka hor caddeeyay Maxkamada.

Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa fadhiga Maxkamadda ka sheegay in eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab) uusan ahayn dhallinyaro la marin habaabiyay balse uu go’aansaday in uu hanti ka sameeyo dhiigga Umadda, waxa uu garsoorka u sheegay in Eedeysanaha uu ku qanacsanaa shaqada Alshabaab uu u hayay.

“Dadaal iyo Juhdi ayuu ku bixiyay si’uu Alshabaab ugu geeyo goobaha ay ku dhuumaaleysteen hubka iyo Rasaasta, waxa uu isticmaalay farsamo kasto uu Alshabaab ugu geeyo Hubka “ ayuu Hadalkiisa sii raaciyay ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida, garsoorka Maxkamadda ayuu weydiistay isaga iyo kuwa lamidka ah in la marsiiyo ciqaab u dhiganta qodobada sharciga ah oo ay ku soo eedeeyeen.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxaa uu xukun ku riday Cadow Cabdulle Axmed (Carab) , kaasi lagu xukumay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa ka digtay iibinta hubka Qarsoodiga ah (Cir-toogte), waxa ayna Maxkamadda fartay hey’adaha Ammaanka in ay baaris iyo daba gal ku sameeyeen Shqsiyaadka ka ganacsada Hubka.

“Shaqsigii ay ku cadaato in uu gacan ku siiyo cid kasta oo lid ku ah dowladnimada hub iyo Rasaas waxa uu inooga dhigan-yahay sida kooxaha arga-gixisada, waxa uuna heli doonaa ciqaab u dhiganta miisaanka dambi uu galay, Ogaada cid loogu dulqaadan doono ma jirto ficillada nuucaas oo kala ah” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com