Shacabka xaafadda 18aad ee Jigjiga oo jidadka dayactiranaya

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

Shacabka xaafadda 18aad ee Jigjiga oo jidadka dayactiranaya

Qaylodhaan joogto ah kabacdi oo aan dowladdu waxba ka qaban iyo jidadka xaafadda 18aad ee Jigjiga oo sii burburaya, waqti roobaadkana u rogmaday bohol

MAAMULKA DAWLADDA DEEGAANKA SOOMAALIDA (DDS) OO MAGAALADA JIGJIGA KA WADA OLOLE NADAAFADEED
JIGJIGA: Saxaafadda madaxabannaan oo loo diidey shirkii Xildhibaanada DDS
Madaxweyne Mustafe Muxumed Cagjar oo booqday Gobolka Qoraxay (Sawirro)

Qaylodhaan joogto ah kabacdi oo aan dowladdu waxba ka qaban iyo jidadka xaafadda 18aad ee Jigjiga oo sii burburaya, waqti roobaadkana u rogmaday boholo biyuhu fariistaan, ayaa shacabka xaafadda 18aad iskood isugu xilqaameen dayactirka qaybo kamid ah jidadka xaafadda oo qaar burbureen, qaarna noqdeen biyo-fadhiisin, sababi karana in ay ka dhashaan cudurada faafa, sida COVID-19.

Shacabkan ayaa Radio Daljir u sheegay in ay imbadan cabashadooda gaysteen Xafiiska Maayarka Jigjiga loona tixgalin waayey codsigooda.

Tixgalin la’aanta Xafiiska Maayarka ayaa shacabka ku dhalisay in ay go’aansadeen in ay iskood isu abaabulaan iskana kaashadaan dayactirka iyo nadiifinta jidadka xaafadda 18aad.

Shacabka oo mar kale farriin u diraya Xafiiska Maayarka ayaa codsanaya in Xafiiska Maayarka Jigjiga uu xaafadda ku caawiyo hal ama labo cagaf oo ka qaybqaata nadiifinta iyo dayactirka jidadka Xaafadda 18aad.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: