Sawirro-Wiil 21 Jir ah oo Ka Taajirey u Ekaanshaha Lionel Messi

HomeCiyaaraha

Sawirro-Wiil 21 Jir ah oo Ka Taajirey u Ekaanshaha Lionel Messi

Wiil 21 Sano oo u dhashay dalka Braziil ayaa in badan ku faa iidey sida uu ugu egyahay Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi. Alejandro Pe

Xubintii Ciyaaraha: Roma 3-0 Chelsea (dhegayso)
Xubintii Ciyaaraha: Manchester City oo Weli la Loodin La’yahay (dhegayso)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)

Wiil 21 Sano oo u dhashay dalka Braziil ayaa in badan ku faa iidey sida uu ugu egyahay Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Alejandro Pereira Negreiros Waa wiil u dhashay dalka Braziil oo ah 21 Sano jir kaas oo si aan Caadi ahayn ugu eg Xidiga Barcelona iyo Xulka Argentina Lionel Messi Waxa uuna ku noolyahay Magaalada Sau Paulo,

Alejandro Pereira ayaa waxa uu iibiyaa dukaan lagu gado Waxyaabaha laysku qurxiyo kaas oo ku yaala bartamaha Magaalada Sau Paulo,dukaankaas oo Maalintii ay soo booqdaan dad aad u fara badan kuwaas oo Wax ka iibsada isla Markaana doonaya in ay arkaan Ninkaan aadka ugu eg Cayaaryahan Lionel Messi Waxaana uu hada helaa lacag aad u fara badan Maadaama Ganacsigii u kala kacay,

Ninkaan aadka ugu eg Cayaaryahan Lionel Messi ayaa Caan ka noqday baraha bulshada kadib markii uu Sawirkiisa soo dhigay sidoo kalana waxa uu yeeshay Saaxiibo aad u badan Waxaana uu sheegay in uu kuriyoonayo in uu Maalin un weji kaweji ula kulmo Xidiga Barcelona ee Lionel Messi.

SAWIRRO

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: