Sarkaal ka tirsanaa Xarakada Al shabaab oo gacanta lagu soo dhigay

Sarkaal ka tirsanaa Xarakada Al shabaab oo gacanta lagu soo dhigay

Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya ayaa howlgal waxaa ay ka sameeyeen duleedka deegaanka Baar-sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose,iyagoo gacanta ku dhigay Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab.

Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in Sarkaal lasoo qabtay Al-shabaab uu kamid ahaa muddo  10-sanno ah,isla markaana u qaabilsanaa dhanka sahminta weerarada,kaasi oo magaciisa ku sheegay Ibraahim Lujindo Maxamed.

Taliska guutada 11-aad qaybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Maxamed Badal Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ninkaas ay qabteen xogtiisa ay horey u hayeen,sidaasina lagu qabtya,waxaana uu xusay inay gacanta ay ku dhigeen Ciidanka xoogga ee ka howlgala Aaga Baar-sanguuni.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa tilmaamay in Ibraahin uu ka soo qeyb qaatay dagaal horey uga dhacay Gobolka Gedo oo uu kamid ahaa deegaankii dhexmaray Al-shabaab iyo Ciidanka Kenya ee dhacay deegaanka Ceel-Cade ee Gobolkaas.

Maaha markii ugu horaysay oo ay  Ciidamada  Xoogga dalku ay qabtaan  Saraakiil ka tirsan Xarakada Al shabaab .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com