Saraakiil iyo ciidamo loo xiray dilal kadhacay Muqdisho

Saraakiil iyo ciidamo loo xiray dilal kadhacay Muqdisho

Wasaaradda amniga ee dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay saraakiil iyo ciidamo kadib markii ay ku guul daraysteen inay soo qabtaan dadkii gaystay fal dad shacab ah lagu dilay oo todobaadkan kadhacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga Abuukar Maxamed Islow oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay ciidamada inay gacanta kusoo dhigeen 12- askari iyo taliyeyaasha ciidamada booliska iyo nabad sugidda degmada Xamarwayne ee gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay inaan marnaba la aqbali doonin cidii ku guul daraysata waxka qabashada xaaladda ammaan iyo masuuliyadda ay bulshada u hayso talaabo laga qaadi doono, isagoona intaasi kudaray in guddi booliska katirsan loo xilsaaray howshan.

Dilalka kadhacay magaalada Muqdisho gaar ahaana degmada Xamarwayne ayaa loogu gaystay laba qof oo shacab oo gaari lasocday oo kala ahaa guddoomiyihii haweenka gobol Banaadir iyo wiil ay dhashay guddoomiyihii ururka haweenka ee qaranka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com