HomeUncategorized

Sannadguurada 12-aad ee aasaaska Puntland oo maanta laga xusey gobollada Puntland, gaar ahaan caasimada Puntland ee Garowe.

Garowe, Aug 01 - Munaasabadaan ayaa waxaa aheyd mid Lagu Maamuusayay Sannadguuradii 12aad ee xiligii dhidibada loo taagey Maamulka Puntland, taariikh

Dowladda Talyaaniga oo bilaabaysa mashaariic lagu dhisayo garoomada dayuuradeed ee Bosaso, Gaalkacyo iyo isbitaalka Martini ee Muqdisho
Uganda iyo Midowga Afrika oo Isku khilaafsan Magta Askarta kaga Dhimata Soomaliya
C/raxaman Maxamuud X. Xasan, Duqa magaalada Galkacyo oo ka xog warramay suuqyo cusub oo laga hirgaliyey Galkacyo …

Garowe, Aug 01 – Munaasabadaan ayaa waxaa aheyd mid Lagu Maamuusayay Sannadguuradii 12aad ee xiligii dhidibada loo taagey Maamulka Puntland, taariikhdun ay ahyd 1998; munaasabada ayaa lagu Qabtey xarunta Dalxiiska ee Garowe iyada oo Munaasabado la mid ahina ay ka Dhacdeen Bosaso & Galkacyo.

Xuskani ayaa waxaa ka Qayb qaatey 2-da Gole ee dawlada Puntland, Indheergarad, Aqoonyahano, Macalimiin Ardeyda Dugsida, Ciidamada Daraawiishda, Kooxda Baanbeyda iyo Saxaafada Puntland oo Dhamaandood si bilicle uga Dhex muuqdey Sanadguuradaan 1-da Ogosto ee Lagu Qabtey Magaalada Garowe.

Waxaa xusid mudan in Munaasabadaan ay si habsami leh uga dhex muuqdeen Hay’ada ka hawlgala Deegaanada Puntland iyo Ururada Maxaliga ah iyadoo Shabakada Puntland Youth Pear Network ay si weyn uga dhex muuqatey Qabanqaabada iyo Soo Dhaweynta 1-da Augest

Waxaa Qeybihii hore ee Manaasabadaan Balaaran aad uga dhex muuqdey Kooxda Baanbeyda oo Muujineysey Astaanta Qararnimo ee Puntland waxaana sidoo kale Tix-murtiyeed kasoo Jeediyay Abwaano kale duwan. Waxaana Abwaanadu Gabayadooda ay ahaayeen kuwo ay ku soo dhaweynayaa maalintaan Qiimaha u leh Shacabka Reer Puntland iyagoo sidoo kale Kooxda Fanka Qaranka Puntland ay Halkaasi kusoo Bandhigeen Heeso ka Turjumaya Dareenka wadanimo iyo Dadaalka Hurmarineed ee Dawlada Puntland.

Intaasi ka dib waxaa macrafoonka lagu soo dhaweeyay Wasiirka Haweenka iyo Arimaha Qoyska ee Dawlada Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye oo soo Bandhigtey Waxyaabihii ay Dawladu Qabatey intii ay Dhisneyd iyo Hormarkii ay ku Tilaabsatey.

Marwo Caasho ayaa Xalfadaan Xuska ah ku soo Bangdhigtey talaabooyinkii Hormarka ahaa ee ay ku tilaabsatey Dawlada Puntland sanadkii tagey waxaana wasiirku gabagabadii uu aad oogu mahadceliyay dadkii soo qaban qaabiyay Manaasabadaan sida Saxaafada Puntland, Ururada Dhalinyarada, Shaqaalaha wasaaradaha, Ardeyda, Isboortiga Puntland iyo Ururka Puntland Youth Peer Network oo iyagu qeyb mug leh ka qaatey Xuskaan

Ugu danbeybtiina Waxaa Munaasabadaan soo Xirey Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane C/rashiid Maxamed Xirsi oo Shacabka Reer Puntland ugu Bishaareeyay Barwaaqada ay ku Tilaabsadeen iyadoo Gudoomiyuhu ka hadley dagaalada ka socda Soomaaliya oo uu ku tilmaamey kuwa xaq daro ah.

Dawlada M/weyne C/raxman M. Faroole oo sannad bar talada Puntland haysa ayaa markii 2-aad xustay 1-da Ogosto.

Amniga caasimada Puntland ayaa aad loo adkeeyey iyada oo lagu arkayay jidadka iyo wadooyinka ka agdhaw goobta xalfadu ay ka socotay ciidamada amaanka ee Puntland oo si weyn uga taxadaraya sugida amniga ee caasumadda Puntland, Garowe

Maxamed C/llahi Cali ‘Kooshin’
Daljir, Garowe

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: