Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo cRx Yameni: Real Madrid iyo Kylian Mbappe iyo 180 Malyan Yuuro?

HomeCiyaaraha

Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo cRx Yameni: Real Madrid iyo Kylian Mbappe iyo 180 Malyan Yuuro?

Arsenal ayaa ku sii dhawaaneysa helitaanka Thomas Lemar iyada oo kula soo wareegeysa lacag dhan 50 Malyan oo Ganiga Ingiriiska ah. Arsene Wenger ayaa

Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Mustaf Abiib (dhegayso)
Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo cRaxmaan Yamani
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)

Arsenal ayaa ku sii dhawaaneysa helitaanka Thomas Lemar iyada oo kula soo wareegeysa lacag dhan 50 Malyan oo Ganiga Ingiriiska ah. Arsene Wenger ayaa muujiyey kalsooni sare in uu heli doono xiddiga da’da yar.

Kooxda Real Madrid ayaa iyana doonaysa in ay bixiso lacagtii ugu badnayd ee ciyaar yahan lagu soo iibsado, waxayna Euro 170 malyan ku doonayaan Kylian Mbappe oo ka tirsan kooxda AS Monaco.

Sida uu qorayo wargayska AS ee magaalada Madrid, “Real Madrid ayaa kaash dhan 160 malyan oo Euro oo u bixinaysa farasaar hore, halka 20 Malyan oo Euro ay ka bixin doonto gadaal, lacagahaas oo dhammaantood wada gunno ah!”

Waa mar kale iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo Cabdiraxmaan Yameni oo ku sugan xarunta Daljir Bossaso. Yaa badiyey, yaa laga badiyey, maxaa se ka cusub naadiyada ciyaaraha adduunka? Halkan kaga bogo oo hoos ka dhegayso warbixintii koobnayd ee Yamani iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha!

Hoos ka dhegayso xubintii ciyaaraha oo faahfaahsan.

 

 

   

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: