Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo cRx Yameni: Cristiano Ronaldo Bixi Canshuurta! (dhegayso)

Kooxda Barcelona waxa ay si dhaqso leh uga fikiraysa badalka Neymar Jr, maadama uu xiddigaan ku dhaw yahay inuu dhameystiro ku biiritaanka Paris Saint Germain, waxaana la soo warinayaa in uu 24-ka saac ee soo aaddan uu caafimaadka mari doono.

Dhanka maxkamadaha waa Cristiano Ronaldo oo la hor keenay maxkamada Madrid halkaas oo uu muddo saacad iyo badh ah ku sugnaa ayuu ka soobaxay maxkamada, laakiin wax hadal la yiraahdo ma uu siin saxaafada, ayaga oo raxan-raxan maxkamadda u hordhooban.

Cristiano Ronaldo ayaa xili danbe soo saaray warsaxaafadeed waxa uuna si adag u sheegay in uu u hogaansamay sharciga cashuuraha dalka Spain tan iyo markii uu Real Madrid ku soo biiray.

Ronaldo ayaa yiri in uu rajaynayo in caddaaladu ay shaqayn doonto oo go’aan caddaalad ah la gaadhi doono.

Waa mar kale iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo Cabdiraxmaan Yameni oo ku sugan xarunta Daljir Bossaso. Yaa badiyey, yaa laga badiyey, maxaa se ka cusub naadiyada ciyaaraha adduunka? Halkan kaga bogo oo hoos ka dhegayso warbixintii koobnayd ee Yamani iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha!

Hoos ka dhegayso xubintii ciyaaraha oo faahfaahsan.

    

 

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com