R/wasaare Farmaajo oo iclaamiyey magacyada xukuumada federaalka ah ee Somaliya oo ka kooban 18 wasiir.

Muqdisho, Nov 12 – R/wassaaraha dawlada federaalka ah ee Somaliya Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa iclaamiyey golaha xukuumada ee dawlada federaalka ah.

Tirada xukuumada ayaa ka kooban 18 wasiir oo badi ah rag ku cusub masraxa siyaasada ee Somaliya, walow qaarkood ay hore ula soo shaqeeyeen dawlada federaalka ah. Md. Oomaar, wasiirka arrimaha dibedda ayaa isagu hore u soo qabtay xilkan wasaarada, ahna wasiirka keliya ee xil wasiirnimo hore u soo qabtay.

Magacyada wasiirada ee xukuumada R/wasaare Farmaajo ayaa waxaa ka mid ah:

1. Maxamed C/llahi Oomaar – Arimaha dibedda, R/wasaare ku xigeen,
2. C/Weli Maxamed Cali – Qorsheynta & iskaashiga caalamiga ah, R/wasaare ku xigeen,
3. C/Xakiim Maxamuud Xaashi ‘Fiqi’ – Gaashaandhiga, R/wasaare ku xigeen,

4. Xuseen Cabdi Xalane – Maaliyada & lacagta,
5. C/Shakuur Sh. Xassan Faarax – Arimaha gudaha & amniga,
6. C/Nuur Sh. Maxamed – Waxbarashada, hidaha & tacliinta sare,
7. Maxamuud Maxamed Boonow – Dastuurka, federaalka & dib u heshiisiinta,

8. C/Risaaq Sh. Muxyadiin – Macdanta, biyaha, tamarta & shidaalka,
9. Dr. Maxamuud Cabdi Ibraahim – Ganacsiga & warshadaha,
10. Dr. Adam X. Ibraahim Da?uud – Caafimaadka & daryeelka bulshada,

11. C/llaahi Abyan Nuur – Garsoorka, arimaha diinta & awqaafta,
12. Maryam Qaasim Axmed – Haweenka & arimaha qoyska,
13. Yuusuf Macallim Amiin ‘Baadiyow’ – Beeraha & Xanaanada Xoolaha,
14. C/Rashiid Khaliif Xaashi – Hawlaha guud & dib u dhiska,

15. C/Kariim Xassan Jaamac – Warfaafinta, boostada & isgaarsiinta,
16. C/Nuur Macallim Maxamuud – Shaqaalaha, arimaha bulshada & isboortiga
17. Dr. Maxamed Macallim Xasan Maxamed – Kaluumaysiga & kheyraadka badda,
18. Axmed C/Raxmaan Abaade – Dekadaha, gaadiidka badda, cirka & dhulka.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com