HomeUncategorized

RW Somaliya oo Odayaasha G. Hiiraan Kulamo kula leh Baladweyne

Garacad, 23, March, 2016 -(Daljir)_Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Cumar C/rashiid ayaa lagu wadaa inuu maanta Kulamo muhiim ah la yeesho Odaayasha Dhaqanka Beelaha wada deggan Gobalka Hiiraan, isku-day lagu doonayo in lagu xaliyo muranka ka taagan Ka-qeybgalka Shirka Maamul-u-samaynta Hiiraan iyo Sh/dhexe oo ay gogishiisu fidsan tahay magaalladda Jowhar.

Soomaalida Canada oo go?aan midaysan ka qaatay falalka Al-shabaab ay ka wadaan barriga Afrika
Innaa Lillaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun – Tacsi: Marxuum Siciid Maxamuud X. Jaamac.
Taliyaha Ciidanka X.D.S oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Sweden.
Garacad, 23, March, 2016 -(Daljir)_Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Cumar C/rashiid ayaa lagu wadaa inuu maanta Kulamo muhiim ah la yeesho Odaayasha Dhaqanka Beelaha wada deggan Gobalka Hiiraan, isku-day lagu doonayo in lagu xaliyo muranka ka taagan Ka-qeybgalka Shirka Maamul-u-samaynta Hiiraan iyo Sh/dhexe oo ay gogishiisu fidsan tahay magaalladda Jowhar.
 
Ra’isul-wasaaraha oo shalay gaaray magaalladda Beled-weyne waxa uu socdaalkiisa ku qotomaa sidii uu Odayaasha Dhaqanka Reer Hiiran u arki lahaa, u dhegeysan lahaa Aragtiyahooda iyo sidii uu ugu qanci lahaa Ka-qeybgalka Shirka Maamul-u-samaynta Hiiraan iyo Sh/dhexe.
 
Odayaasha Dhaqanka Reer Hiiraan ayaa u muuqda kuwo dhaliilsan gacanta ay Dowladda Federalka ku leedahay Shirka Maamul-u-samaynta, waxayna ku baaqeen in Odayaasha Dhaqanka loo madax-baneeyo Shirka Maamul-u-samaynta Hiiraan iyo Sh/dhexe.
 
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federalka, C/raxmaan Odawaa’ ayaa ku sugan Beled-weyne, isagoo culays kala kulmay Odayaasha Dhaqanka Reer Hiiraan, si uu ugu qanciyo inay ku biiraan Shirka gogoshiisu taallo Jowhar.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: