Madaxweynaha Puntland oo Jariiban lagu soo Dhaweeeyay

Garacad, 23, March, 2016 -(Daljir)_Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayey oo saaka hiirtii waaberi kasoo jarmaaday magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland ayaa 23-March-2016 waxa siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jarriiban ee Bariga Gobolka Mudug.
 
Waftiga Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirro, Xildhibaano, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dawladda Puntland, waxaana ka qayb-qaatay soodhoweynta Madaxweyna Maamulka Gobolka Mudug, kan Degmada Jarriiban, odayaal dhaqameed,  xubno ka tirsan labada gole ee dawladda iyo boqollaal kamid ah dadweynaha ku dhaqan Degmada Jarriiban ee Gobolka Mudug.
 
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa soo dhoweynta kadib kulan la qaatay odayaasha iyo waxgaradka Degmada Jarriiban waxaana uu sheegay in socdaalkiisu uu ku qotomo  sidii uu ugala qayb geli lahaa ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland iyo  dadweynaha ku dhaqan degmada Jarriiban  dabaal degga ay ugu dabbaal degeyaan guulihii lama ilaawaanka ahaa ee ay ciidamada difaaca ee Puntland kasoo hooyeen kooxihii sharwadayaasha ahaa ee kusoo duuley Puntland.
 
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in guulihii laga gaadhey dagaalkii aan la galnay kooxaha sharwadayaasha alshabaab ay sabab u ahayd midnimada shacabka Puntland islamarkaana loo baahan yahay in dadka Puntland ay kawada shaqeeyaan sidii ay siwada jir ah ugu adkayn lahaayeen Midnimada Puntland.
 
Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka ay Dawladda Puntland kula jirto kooxaha nabad diidka ah ee alshabaab uu yahay bilow isla markaana loo baahan yahay dadka Puntland in ay kaalintooda qaataan, sidoo kalena ciidamada sooma-jeestayaasha ah ee Puntland-na ay sii laba jibbaari doonaan heeggankii ay ugu jireen difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda.
 
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa mahadnaq ballaaran hawada u mariyey guud ahaan shacabka reer Puntland meelkastoo uu joogo, gaar ahaana ciidamada geesiyaasha ah ee jebiyey cadowgii kusoo duuley Puntland, sidoo kalena waxaa madaxweynuhu uu umahadnaqay dadka reer miyiga ee sida weyn ula shaqeeyey ciidanka isla markaana soo sheegayey geed-walba iyo goob-kasta oo ay ku dhuumaalaysanayeen kooxahaas sharwadayaasha ahi.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com