HomeUncategorized

Taliyaha Ciidanka X.D.S oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Sweden.

Muqdisho, 26, Jan, 2016-Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Maxamed Aaden Axmed, ayaa maanta ku soo dhaweeyey magaalada Muqdisho, Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Sweden Brigadier General Stefan Andersson.

Udiyaar-garawga olalaha doorashada madaxwaynaha Soomaaliya oo ka socota Moqdisho.
Guddoomiyihii ururka isku-xirka ardayda Soomaaliyeed C/llaahi Mahdi Sayidka oo xalay lagu dilay Boosaaso.
DF oo diyaarisay qorshe ciidamo cusub lagu geynayo Marka iyo maamulka degmada oo diiday

Muqdisho, 26, Jan, 2016-Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Maxamed Aaden Axmed,  ayaa maanta ku soo dhaweeyey magaalada Muqdisho, Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Sweden  Brigadier General Stefan Andersson oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho. Labada Taliye oo kulan gaar ah ku yeeshay Xarunta Wasaaradda Difaaca, ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada ay dawladda Sweden siiso Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa uga mahad-celiyay Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Sweden booqashada uu ku yimid magaalada Muqdisho markii ugu horeysay, waxana Taliyaha Xooga uu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay yihiin wadamo saaxiibo ah isla markaana labada dhinac iska kaashanayaan sidii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo tababarka Ciidanka Xoogga dalka.

Brigadier General Stefan Andersson Taliayaha Ciidamada Lugta ee Sweden oo kulanka ka hadlay ayaa dhankiisa Mahadcelin u jeediyay saraakiisha Ciidanka Soomaaliyeed sida wanaagsan oo ay u soo dhoweeyeen, waxaana uu sheegay in Soomaaliya dhibaato badan soo martay hase yeeshee ay ka soo kabanayso dhibaataadaas. wuxuna xusay in dawladda Sweden ay kordhin doonto taageerada ay la garab taagan tahay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aaden ayaa tacsi u direy ehellada iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuum Cabdi Xaaji Goob-doon oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho, wuxuna sheegay Taliyihu in Goobdoon uu ahaa muwaadin muddo dheer u soo shaqaynayay dadka iyo dalka Soomaaliyeed taariikhna uga tagey.

Diiwaanka Wararka Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: