Innaa Lillaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun – Tacsi: Marxuum Siciid Maxamuud X. Jaamac.

Toronto, June 29 – Waxa shalay, oo taariikhdu ahayd, Isniin, Juun 28, 2010, magaalada Toronto ku geeriyooday Marxuum Siciid Maxamuud Xaaji Jaamac, oo ka mid ahaa halgamayaashii Puntland iyo Soomaaliweyn. Innaa Lillaahi, wa inaa Ilayhi raajicuun!

Annaga oo kala ah, Raage Cabdillaahi Hoolif, Mahad Cabdi Aadan Camey, Deeq Aadan Diiriye, oo ku hadlayna magaca dhamaan Soomaalida degan Grande Prairie, AB, Canada, waxaan halkaan uga tacsiyaynaynaa dhamaan Reer Maxamuud Xaaji Jaamac, hooyo Khadiiijo Cirrid Yaambo, iyo xaaskii iyo ubadkii uu ifka uga tegay, iyo weliba dhamaan ehelada kale iyo asxaabtiisa oo dhan.

Marxuumka, oo intii uu noolaa aad ugu soo halgamay qaddiyadda Puntland, iyo weliba Soomaaliweyn, mar kale, waxaan leennahay, Ilaaheey ha ka abaalmariyo halgankiisii, islamarkaasna naxariistii janno ha ka waraabiyo; dhamaan eheladiisana samir iyo iimaan ha ka siiyo!

Deeq Aadan Diiriye
Toronto, Canada. http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com