HomeUncategorized

RW Saacid ?Qaraxyada fulaynimada ah ma hakin doonaan howlaha nabad-gelyada Qaranka?

Moqdisho, September 14, 2013 - Ra?iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si weyn u cambaaraysay qaxayadii axmaqnimada ahaa ee lala beegsaday.

Garowe: Wasaaradda caafimaadka ee Puntland oo iclaamisay in cudurka jadeecadu uu ka dilaacay Puntland.
Kulan wacyigelin ah oo ku saabsan daryeelka Caruurta oo lagu qabtay magaaladda Buuhoodle (Sawiro + Cod)
?Waxaan rabnaa in aan ka dhigno Gaalkacyo mid la mid ah Puntland inteeda kale, mana loo dulqaadanayo budhcad badeed siday doonto u dhex marto magaalada” Xeer ilaaliye.

Moqdisho, September 14, 2013 – Ra?iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si weyn u cambaaraysay qaxayadii axmaqnimada ahaa ee lala beegsaday kolonyo uu saarnaa Hogaamiyaha Maamulka Juba mudane Sheekh Axmed Islaam ( Axmed Madoobe)

?Waxaan si aad ah u cambaaraynayaa qaraxyadii waxashnimada ahaa ee lala eegtay koloyo uu saarnaa Hogaamiyaha Maamulka Juba, waa weerar loogu tala galay in lagu gumaado dad aan waxba galabsan, lana doonayey in lagu khal-khal galiyo amaanka iyo xasiloonida gobolka,?ayuu yiri Ra?iisul Wasaare Saacid.

??Qaraxyada noocaan ah maahan kuwo ka hor istaagaya dib-u-heshiinta iyo nabad ku soo dabaalida gobolada Jubooyinka, waana qaraxyo aan laga gaarin u jeedkii la lahaa, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan xukuumadda waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa ehelkii iyo qaraabadii dadkii ku wax yeeloobay qaraxaas, waxaana ilaahay uga baryayaa inuu caafimaad taam ah siiyo dadkii ku dhaawacmaya?

Qaraxan ayaa waxa sheegatay ururka Alshabab, wuxuuna qayb ka ahaa dagaalka ay kula jiraan shacabka Soomaaliyeed, dowladuna waxay dadaal u galaysaa sidii loo xoojin lahaa la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah.

DHAMAAD.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: