RW Kheyre oo Kulan la qaatay Guddiga dhamaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta

HomeWararka

RW Kheyre oo Kulan la qaatay Guddiga dhamaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulan la qaatay guddiga loo xil-saaray dhamaytirka ba

Maxaa ka jira in Dowladda Soomaaliya badashay mowqifkeeda badda ay Kenya rabto in ay boobto?
Kooxo Dadka Dhibaatayn Jirey oo Lagu Qabtay Demada Kaxda (dhegayso)
Madaxwaynaha Puntland oo xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyey

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulan la qaatay guddiga loo xil-saaray dhamaytirka barnaamijka deyn cafinta dalka oo maraya wajigiisii afaraad (SMP4).

Shirka oo looga hadlay dardar-gelinta dadaallada loogu jiro cafinta daynta lagu leeyahay dalka ayaa guddigu waxa ay Ra’iisul Wasaaraha ugu soo bandhigeen tallaabooyinka ay qaadeen, natiijooyinkii kasoo baxay kulamadii ay yeesheen guddigu iyo qorshahooda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa faray guddiga dhamaytirka barnaamijka deyn cafinta in ay laba jibbaaraan dadaallada ayna ku taagnaadaan qorshaha dalka daynta looga cafinayo si loogu diyaar garoobo horumar ballaaran oo Soomaaliya ay kuy tillaabsato.

Dowladda Soomaaliya oo ay ka go’antahay ka guul gaaridda qorshaha cafinta deymaha lagu leeyahay ayaa ku guulaysatay dhammaan shuruudihii la hor dhigay, waxaana hay’adaha maaliyadda adduunka iyo dhammaan dhinacyada dalka daynta ku leh ay ku ammaaneen hoggaanka dalka sida ay uga go’antahay in dalka daynta laga nadiifiyo.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyay shirka tubta horumarinta dhaqaalaha dalka oo looga hadlay horumarinta dhqaalaha dalka iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuq-maasuqa.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: