Maxaa ka jira in Dowladda Soomaaliya badashay mowqifkeeda badda ay Kenya rabto in ay boobto?

HomeWararka

Maxaa ka jira in Dowladda Soomaaliya badashay mowqifkeeda badda ay Kenya rabto in ay boobto?

Warar ayaa saacadihii la soo dhaafayay lagu baahiyay qaar ka mid ah baraha bulshada iyo warbaahinta kalle duwan, iyadoona lagu sheegayo inay dowladda

Warka Fiidnimo iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Maxamed Xasan Dhalo, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Axmed Bare Siciid oo ku guulaystay duqa caasimadda Puntland (sawiro)

Warar ayaa saacadihii la soo dhaafayay lagu baahiyay qaar ka mid ah baraha bulshada iyo warbaahinta kalle duwan, iyadoona lagu sheegayo inay dowladda faderaalka Soomaaliya badashay mowqifkeeda badda ay Kenya doonayso inay ka boobto Soomaaliya oo wararkaasi lagu sheegay inay Soomaaliya ka laabanayso dacwadda ay u gudbisay maxkamadda caddaaladda aduunka ee ICJ.

Agaasimaha guud ee warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya ayaa been abuur ku tilmaamay wararkaasi, isagoona sheegay inay baaritaano ku hayaan ilaha warkaasi baahiyay.

“Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu baahiyay qaar kamid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baaritaan ku haya ilaha wararkan been abuurka ah,” ayuu yiri Agaasime Cabdinuur.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: