RW khayre oo shaqaalaha Caafimaadka DFS ku aamanay siday uga hortagayaan faafida Covid19

HomeWararka

RW khayre oo shaqaalaha Caafimaadka DFS ku aamanay siday uga hortagayaan faafida Covid19

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa shaqaalaha caafimaadka dalka ku bogaadiyay dadaalka naf-hur

Turaanturada Donald Trump, Salaantiisa Maqiiqan iyo Walaaca Angela Merkel
Ciidamada PSFta oo howlgal ku dilay xubno ka tirsan Daacish
Dowladda oo gaadiid ku daabulaysa dadwaynaha magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa shaqaalaha caafimaadka dalka ku bogaadiyay dadaalka naf-hurnida leh ee ay ugu jiraan inay dadka Soomaaliyeed ka badbaadiyaan cudurka COVID-19.

Mudane Xasan Cali Khayre oo caddeeyay in guud ahaan howl wadeennada caafimaadka dalku ay aqoontooda, waqtigooda iyo naftoodaba ku bixinayaan sidii loo badbaadin lahaa bulshada intiisa kale, ayaa Allah uga baryay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo howl-wadeeennada uu cudurku ku dhacay iyaga oo halista curudka ka badbaadinaya dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo munaasabadda xuska maalinta Shaqaalaha adduunka ee 1da May ugu habmalyeeyay dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in dawladdu ay muhiimad gaar ah u siineyso xuquuqda shaqaalaha dawladda iyo dowrka ay ku leeyihiin horumarinta dalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa shaqaalaha dawladda kula dardaarmay inay qaybta uga aadan ka qaataan horumarinta iyo dadaallada dib u soo kabashada dalka, gaar ahaan inay qayb wayn ka qaataan dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19 ee dunida dhibaatada badan ku haya.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: