RW khayre oo hambalyo u diray Haweenka Somaaliyeed

HomeWararka

RW khayre oo hambalyo u diray Haweenka Somaaliyeed

Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo gabdhaha iyo hooyooyinka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta sid

BARNAAMIJKA MUUQAALKA BULSHADA: HESHIISKA DFS IYO CABDIRSHIID JANAN, MUXUU KA DHIGAN YAHAY? (dhegayso)
Maxkamada Ciidamada oo xukun xabsi ah ku ridey labo dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Daacish
Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo Gobalka Cayn ka Fulisay Mashaariic Caafimaad & Tababaro

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo gabdhaha iyo hooyooyinka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta siddeedda Maarso ayaa caddeeyay in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin hoggaamiyayaal, barbaariyayaal, dhaqaale abuurayaal, colaaadd demiyayaal iyo isku xirayaasha bulshada.

“Hamblayo dhammaan haweenka Soomaaliyeed. Waxaad kaalin weyn oo lama illoobaan ah ka qaadateen badbaadinta Qarankeena. Waan idinku bogaadinayaa sida aad ugu heellan tihiin dib-u-dhiska dalka iyo dadka Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Muqdisho uga qayb galay xuska maalinta Haweenka Aduunka ee sideedda Maarso.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa munaasabadda ka sheegay in haweenka Soomaaliyeed oo ragga uga wanaagsan amaanada, shaqada iyo waxbarashada ay hormuud u ahaayeen halgan waliba oo ummadda Soomaaliyeed soo galeen, waxuuna ugu baaqay in ay sii wadaan halganka loogu jiro horumarinta bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha Jamuuriyadda waxuu sheegay in qarniga lagu jiro ee 21-aad ay dunidu ku tartameyso aqoon iyo xirfad, lama huraanna ay tahay tirada iyo tayada dadka, hadba sida tartanka ay ummadda Soomaaliyeed ugu guuleystaanna ay ku xirantahay hannaanka haweenka loo siiyo xuquuqda ay dalka ku leeyihiin oo dhammeystiran.

Hoggaanka dowladda Soomaaliya oo garaawsan dowrka wax ku oolka ah ee haweenku ay ku leeyihiin horumarinta, nabadeynta, badbaadinta ummadda, iyo dib-u-dhiska qarannimada, ayaa xil iska saaray awood siinta haweenka, ka qayb gelinta siyaasadda iyo in xilal sare oo muhiim ah ay ka qabtaan laamaha amniga iyo fulinta.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: