Maxkamada Ciidamada oo xukun xabsi ah ku ridey labo dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Daacish

HomeWararka

Maxkamada Ciidamada oo xukun xabsi ah ku ridey labo dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Daacish

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa min lix sano oo xabsi ah ku xukuntay Xuseen Cali Maxamed iyo Cabduqaadir Xaafid Xaaji Cali kadib markii lagu hel

Xaalada magaalada Baydhabo oo saaka degan
Ciidanka DANAB oo howlgal kudilay Xubno katirsan Al-Shabaab
Xulashada Daljir & Cumar Lakiman iyo Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa min lix sano oo xabsi ah ku xukuntay Xuseen Cali Maxamed iyo Cabduqaadir Xaafid Xaaji Cali kadib markii lagu helay dambi ah inay ka tirsanaayeen ururka Daacishta Soomaaliya.

Sidoo kale labadan dhalinyarada ah ayaa hore ugaga tirsanaa ururka Alshabaab iyagoo tababaro la qaatay labada ururba kana soo dagaalamay deegaano kala duwan.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in labadan dhalinyaro ee la xukumay ay fursad u haystaan inay xukunka qaataan racfaan.

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee xarunteedu tahay magaalada Muqdisho ayaa hore xukuno isugu jira dil iyo xabsi ugu ridey rag loo haysto inay ka tirsanaayeen ururada Alshabaab iyo Daacish,sidoo kale Maxkamada ayaa dhagaysata eedeymaha loo hayso ciidamada qalabka sida.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: