Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland oo loo xiray eedeyn musuq maasuq

HomeWararka

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland oo loo xiray eedeyn musuq maasuq

Warar laga helayo Magalada Haregysa ee Soomaaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in la xiray wasiirka Warfaafinta Maamulkaas C/raxmaan Guri Barwaaqo. W

MAANHADAL: Xalka Fatahaada Qardho & Saamaynta Bulshadda
Lacagta Shilign Somaliga ah oo mudo kadib laga isticmaalay Baladweyne (dhegayso)
WACAAL DAREY AH: Isimadda Puntland oo go’aan kasoo saaray xaaladdii PSF

Warar laga helayo Magalada Haregysa ee Soomaaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in la xiray wasiirka Warfaafinta Maamulkaas C/raxmaan Guri Barwaaqo.

Wasiirka ayaa sida la sheegay loo heystaa eedo la xiriira musuq maasuq,waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Maanta oo Axad ah Maxkamad lasoo taagi doono.

Xilka Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland ayaa waxaa hadda si KMG ah loogu dhiibay Kuxigeenkiisa Maxamed Muuse Abees, waxaana Wasiirka loo heystaa wax isdaba marin uu sameeyey.

Hanti-dhowraha Guud ee Somaliland ayaa maalmahaan baaris waxa ay ku hayeen Xafiisyada Wasaaradda Warfaafinta, waxaana horay loo xiray mas’uuliyiinj ay ka mid yihiin Agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta iyo agaasimihii guud ee wasaarada warfaafinta Somaliland.

Weli waxaa sidoo kale socota baaris uu Wasaaradaha qaar ee Soomaaliland uu ku haayo hanta dhowraha Soomaaliland,waxaana xariga Wasiirkii Warfaafinta Soomaaliland amray hanti dhowraha.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: