Xaalada magaalada Baydhabo oo saaka degan

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in maanta magaalada ay degantahay kadib sadax maalmood uu ka socday dibad bax looga soo hor jeeday xariga Muqtaar Roobow .

Ciidamada amniga oo kaashanaya milatariga Itoobiya ayaa ku guulaystay in kala eryaan dadkii dibad baxa dhigayay waxaana lagu soo waramayaa  in ku dhawaad 300 oo qof loo xiray rabshadihii ka dhacay  magaalada Baydhabo .

Isku socodkii ganacsiga ayaa dib u soo laabtay waxaana lafuray goobihii ganacsiga ee magaalada Baydhabo.

Masuuliyiinta maamulkaKoonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa shacabka ugu baaqay in ay xaalada dajiyaan oo ay amniga kala shaqeeyaan ciidamada dowladda.

 

Doorashada maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa dhawaan dhici doonta, waxaana maanta bilaaban doonta dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Daljir kala soco wixii ku soo kordha warkan.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com