Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo Gobalka Cayn ka Fulisay Mashaariic Caafimaad & Tababaro

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo Gobalka Cayn ka Fulisay Mashaariic Caafimaad & Tababaro

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo taageero dhaqaale ka helaysa hay’adda World Vision ayaa ka fulisey Gobolka Cayn barnaamij lagaga jawaabayo xaaladihii degdegga ahaa ee ka dhacay Gobolka Cayn .

Barnaamijka Wasaaradda Caafimaadku ka fulisey Gobolka ayaa ahaa tababar loo sameeyey 14 qof oo ah shaqaalaha ka hawlgala xarumaha caafimaadka gobolka, tababarkaas oo ah maaraynta iyo kahortagga xanuunada ayka midka yihiin shuban-biyoodka , wacyigelin ku saabsan caafimaadka, nafaqada iyo nadaafadda, taas oo loo sameeyey 240 kamida hooyooyinka magaalada Buuhoodle iyo daawooyin loogu talogalay in lagaga jawaabo xaaladaha caafimaad ee degdegga ah (emergency response ).

Hoos ka daalaco sawirada mashruuca Gobolka Cayn.

 

 

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com