Ruuskha oo ka Jawaabay Cunoqabateynta Maraykanka Cayrinayana 755 Dibloomaasi

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Ruuskha oo ka Jawaabay Cunoqabateynta Maraykanka Cayrinayana 755 Dibloomaasi

War hadda ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa lagu sheegay in Ruuskhu uu ka jawaabay cunoqabateynta cusub ee Maraykanka ,

Waraysi Madaxweyne Gaas – Qaybtii 2aad (Dhegayso)
HALGANKA SSC, HUJUUMKA SOMALILAND IYO HAGARDAAMADA AARANJAAN
Warbixin: Dabaqyo, tareeno iyo jidad: Addis Ababa oo u ekaatay magaalo Shiine (dhegayso)

War hadda ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa lagu sheegay in Ruuskhu uu ka jawaabay cunoqabateynta cusub ee Maraykanka , uuna dalka ka cayrinayo 755 dibloomaasi oo Maraykan ah.

Asbuucii hore ayaa kongareeska ama labada aqal ee baarlamaanka Maraykanku si aan kala har lahayn u soogudbiyeen cunoqabatayn cusub oo ka dhan ah dowaladda Ruushka, taas oo sii fogaynaysa xiriirka labada dal. Madaxweyne Trump ayaa ku hanweynaa in uu yagleelo xiriir cusub oo dhexmara Ruushka iyo Maraykanka, raallina kama aha hawsha uu baarlamaanka Maraykanku ku dhaqaaqay, kuna khasbaysa in Trump saxiixo cunoqabataynta cusub. Trump oo aan raalli ka ahayn saxiixa, waxa uu aqbalay in uu saxiixayo, laakiin weli ma uu saxiixin.

Jimcihii dorraad ayaa war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka waxaa ayana lagu faafiyey in shaqaalaha dibloomaasiyiinta ah ee Maraykanku ay tiradooda ku soo koobaan tiro le’eg tan Ruushka oo dhan 455 dibloomaasi.

Sidoo kale, si lamid ah talaabadii Maraykanka, dowladda Ruushka ayaa iyana la wareegtay hanti ka kooban laba dhisme dibloomaasi oo Maraykanku ku lahaa Ruushka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: