Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo Xilalka u kala wareejiyay Wasiirkii Hore iyo Wasiirka Cusub ee Warfaafinta

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska iyo wasiirka cusub, Daahir Maxamuud Geelle iyo Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Wasiirka Xilka Wareejiyay, Daahir Maxamuud Geelle, ayaa madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyay fursadii ay u siiyeen in uu qaranka u shaqeeyo.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa wasiirkii hore uga mahad-celiyay shaqada wanaagsan ee qaranka uu u qabtay intii uu xilka hayay waxa uuna wasiirka cusub ugu hambalyeeyay xilka uu la wareegay waxa uuna u rajeeyay in dardar geliyo shaqada wasaaradda.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com