Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo furay shirka Qurba-joogta oo Ka Furmay Istaanbuul.

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo furay shirka Qurba-joogta oo Ka Furmay Istaanbuul.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka qur

Shacabka Muqdisho sidde ayeey uga falceliyeen heshiiskii uu ku baaqay Madaxweynaha Puntland?
Caawa & Daljir iyo Xasan Heykal, Daljir Garoowe (dhegayso)
DAAWO: KHATARAHA MALABKA MACMALKA & DHAMMAAN CUNNOOYINKA AAN LA HUBIN, SIDA BARIISKA & BAASTADA

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka qurba-joogta Soomaaliyeed oo ka dhacaya magaalada Istaanbuul ee dalka Turkiga.

Shirkaan oo soconaya mudo afar maalin ah ayaa waxaa looga hadlayaa dib-u-heshiisiinta, ganacsiga iyo arrimaha deegaanka, iyada oo si gaar ah diiradda loo saarayo caqabadaha ku gudban iyo fursadaha laga faa’iidaysan karo.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in ay aad muhiim u tahay in qurba joogtu ay laba jibbaaraan dowrka ay ku leeyihiin dib-u-dhiska dalka, ganacsiga iyo horumarinta deegaanka.

Shirka qurba joogta Soomaaliyeed oo ay maal gelisay shirkadda Isgaarsiinta Horumuud ayaa waxaa kasoo qayb gelaya mawaadiniin Soomaaliyeed oo ka kala yimid daafacaha caalamka, waxaana la filayaa in laga soo saaro natiijo iyo talooyin kaabaya horumarinta mustaqbalka ummaadda Soomaaliyeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: