Ra’iisul Wasaare Kheyre ’Dhalinyaradu waa Udub Dhexaadka Dawladnimada Soomaaliya’

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Kheyre ’Dhalinyaradu waa Udub Dhexaadka Dawladnimada Soomaaliya’

Muqdisho, May 7, 2017------Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb Kulan looga wada tashanayey

MADASHA SIYAASADDA PUNTLAND OO WAR KA SOO SAARAY ARRIMAHA DOORASHO DEEGAAN EE PUNTLAND.
Caawa & Daljir iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
QM oo eedeyn Culus u jeedisay DFS

Muqdisho, May 7, 2017——Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb Kulan looga wada tashanayey sidii loo sameyn lahaa siyaasad mideysan oo dhalinyarada hagta, kaas oo soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo munaasabadda ka hadlay ayaa iftiimiyey muhiimadda uu dhalinyarada u leeyahay barnaamijkani, isagoo xusay Xukuumadda uu hoggaamiyo muhiimad gaar ah ay siineyso horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

‘’Dhalinyaradu waa udub dhexaadka dawladnimada Soomaaliyeed. Horumar kasta oo aan hiigsaneyno waxaa hormuud u ah dhalinyarada, maanta waxaan haysanaa fursado dahabi ah oo aan gacan uga geysan karno dib-u-dhiska iyo soo celinta sharaftii iyo karaamadii ay Soomaaliya lahayd’’,ayuu yiri R/Wasaare Kheyre.

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaruhu xusey in caqabadaha ugu weyn ee dhalinyarada Soomaalida soo wajahey muddooyinkan dambe ay ka mid ahaayeen falalka argagixisada iyo dhibaatooyinka kale ee soo biiray, kadib, dawlad burburkii Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ka hor waxaa Iyana halkaasi hadal ka jeedisey Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka , Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye. Munaasabadda ayaa waxaa kale oo ka soo qeyb galey xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
[email protected]
Twitter: @SomaliPM

COMMENTS

WORDPRESS: 3
  • maxamed c/laahi cali 7 years ago

    waa wax wanaagsan in dhalinyarada iyo dawladu wada shaqayn yeeshan isla markaana dawladu ay dhalinyarada la fariisato isla markana ay isu soo dhawaada

  • waan sodhowaynayaa kulankan looga hadlayo horumarka dhalinyarada waxaanuna qabnaa rajo aad u wanaagsan hadaan nahay dhalinyarta somaaliyeed

  • ahmed cadde 7 years ago

    wan so dhawayn
    in r/w uu ahmiyad siiyo
    dhalinyarada daljir wa mahadsantihiin

DISQUS: