QM oo eedeyn Culus u jeedisay DFS

HomeWararka

QM oo eedeyn Culus u jeedisay DFS

Golaha xaquuqul insaanka ee QM ayaa waxaa lala wadaagay Warbixin gaar ah oo ku saabsan walaaca lag qabo in Madaxda Soomaalida in aysan u hoggaansamin

Warka Duhurnimo ee Daljir iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)
Kenya oo Sheegtay Inay Dishey Taliye Ka Tirsanaa Alshabaab (AKHRISO)
Ufayn, gobolka Bari oo markii u horaysay laga bilaabay canshuurta (dhegayso)

Golaha xaquuqul insaanka ee QM ayaa waxaa lala wadaagay Warbixin gaar ah oo ku saabsan walaaca lag qabo in Madaxda Soomaalida in aysan u hoggaansamin Xeerarka xaquuqul Insaanak Caalamiga ah, xilli ay soo dhawdahay doorashada Soomaaliya.

Baare gaar ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu Magacaabo Isha Dyfan ayaa sheegtay in Madaxda Soomaalida ay ku guuldaresyteen inay dhowraan xaquuqda, dhaqaale, mid Bulsho iyo mid dhaqan ee dhinaca dadweynaha.

Isha Dyfan oo xilkaan loo magacaabay, kadib aafadii cudurka Coronavirus ayaa sheegtay in musiibooyinka COVID-9 iyo Ayaxa oo baabi’iyay dalago farabadan ay uga sii dareen xaaladaha Nololeed ee kajira Soomaaliya.

Waxaa ay sheegtay inay ila wareedyo lagu kalsoonaan karo ka heshay Warbixino cadeynaya in dowladda Soomaaliya aysan ilaalin arrimaha xaquuqun Insaanka & waxka qabashada musiibooyinka dabiiciga ah.

“Waxaan helnay warbixino lidi ku ah xaqiiqun insaanka, sida dil, kufsi isticmaalka awoodo dheeraad ah oo ay adeegsadaan hay’adaha fulinta ee dowladda, taas oo keentay inay dhintaan dad rayid ah iyo in dadka si awood ah looga qixiyo guryahooda ayay tiri” Isha Dyfan.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaan weli wax jawaab ah ka bixin eedeyntaan uga timid Baare gaar ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu Magacaabo Isha Dyfan, taas oo ku aadan in dowladda aysan ilaalin xaquuqul insaanka.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: