Ra’iisul Wasaare Khayre,”Puntland Waa Tubtii Dhismaha Dowladda Federalka ah”

Ra’iisul Wasaare Khayre,”Puntland Waa Tubtii Dhismaha Dowladda Federalka ah”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka iyo madaxda dowladda Puntland, oo u dabaal degaya sannad guuradii 19-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay maamul gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland sanaddii 1998-dii.

Mudane Khayre, ayaa sheegay in shacabka Puntland ay yihiin dad ku caan baxay nabad jaceyl, dawlad jaceyl iyo inay ka shaqeeyaan horumarka guud ee Soomaaliya. Wuxuna ugu baaqay inay sii xoojiyaan ka shaqeynta horumarka iyo sidii dib loogu yagleeli lahaa qaran Soomaaliyeed oo xoog leh, isagoo u rajeeyey inuu Alle u siyaadiyo horumarkaasi ay gaareen.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Shacabka iyo madaxda Puntland oo maanta u dabaal degaya sanad guuradoodii 19-aad. Puntland waxay tusaale fiican u tahay Soomaaliya inteeda kale. Waxay si wadajir ah uga shaqeeyeen nabadda, waxayna ku gaareen amni iyo horumar ballaaran” ayuu yiri ra’iisul wasaare Khayre.

Waxaa uu ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaruhu u xaqiijiyey shacabka reer Puntland in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay mar walba ka shaqeyneyso waxa danta u ah dalka oo dhan, dhinacoodana looga baahan yahay inay kaalintooda ka qaataan sidii waddanka dib loogu soo celin lahaa maqaamkii uu horey u lahaa.

Faallee ama ka falceli mowduuca kore oo ku guulayso abaalmarin AMAL Bank. "AMAL BANK. YOUR FUTURE. OUR MISSION."

AMAL Bank ku Dirso, ku Keydso, ku Maalgasho! Hadaba si aad u hesho abaalmarin AMAL BANK qaybta hoose ee faallooyinka iyo falceliska ku qor magacaaga iyo moobilkaaga, ama email wata magacaaga oo buuxa iyo moobilkaaga noogu soo hagaaji: [email protected]
AMAL Bank. "Your Future. Our Mission"

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0