Qorshe lagu kobcinayo Isboortiga oo si xawli ah uga socda gobollada Puntland.

Galkacyo, Oct 02 – Qorshe aad u ballaran lagu dar-dargalinayo Isbooriga Puntland ayaa si baahsan uga socda dhammaan gobollada Puntland, kaasi oo ay ku howllan-yihiin qaar ka mid ah Qurba-jooga reer Puntland.

Qorshahaan lagu dar-dargalinayo qaybaha kala duwan ee Ciyaaraha, ayaa ah mid ka soo maaxday maskaxda qaarka ka mid ah khuburo xagga ciyaaraha ah oo ku nool dalka dibadiisa kuwaasi oo dhammaantood ka soo jeeda gobollada Puntland, una guntaday sidii loo dhissi lahaa Isboorti xooggan oo ka hana-qaada Puntland.

Nidaamkaan oo ah mid baahsan oo si siman u wada saamaynaya ciyaaraha ka jira gobollada iyo degmooyinkaba, ayaa lagu damacsan-yahay in si xooggan loo dhiso Isboortiga gobollada maamulka Puntlaand, sida ciyaaraha kubadda cagta iyo Kolayga, kuwaasi la aaminsan-yahay in ay qayb weyn ka yihiin nabadda iyo hormarinta bulshada.

Dhinaca kalana waxaa taba-barro loo samaynayaa dhammaan macallimiinta naadiyada ka jira gobolka Puntland, Garsoorayaasha maamulidda ciyaaraha, waxaana la dhissayaa xiriirka gudaha iyo midka dibadda ee Isboortiga Puntland, iyadoo sidoo kalana la yag-leeli doono garoomo kubadeed oo horleh kuwaasi oo taba-barrada lagu qaadan-doono.

Haatan waxaa si rasmi ah u bilowday taba-baridda macallimiinta naadiyaha Isboortiga ee Puntland, waxaana qaar ka mid ah dadka ku howllan dar-dargalintaan ay idaacadda Daljir u sheegeen taba-baridda macallimiinta in ay ugu hormareen sidii ay kooxaha naadiya u sii tab-bari lahaayeen, waxaana hindisaha Qurba-jooga Puntland ee ku aaddan kobcinta ciyaaraha gacan-siinaya wassiirka cusub ee wasaaradda Isboortiga Puntland.

Isboortiga Puntland oo inta badan lagu timaamo in uu yahay mid fadhiid ah, ayaa tallaabadani u noqonaysaa rajo cusub oo u soo iftiintay sida ay qabaan hor-joogayasha isboortigu.

Tan iyo markii la dhisay maamulka Puntland sanaddii 1998-dii wasaaradihii Isboortiga iyi dhallinyada loo magacaabay ma muujin dadaal-dheeraad ah uu wax u tari kara dhallinta iyo Isboortiga, hase ahaatee xilligaan waxaa lagu tajo weyn yahay is badal ku yimaada ciyaaraha kala duwan Puntland.

C/fitaax Cumar Geeddi,
Idaacadda Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com