QM oo soo saartay waxyeellada ay geysteen Roobab ka da’ay Bariga Afrika

QM oo soo saartay waxyeellada ay geysteen Roobab ka da’ay Bariga Afrika

Ugu yaraan 280 Qof ayaa ku geeriyootay, halka in ka badan 2.8 Milyan oo kalena ay wax yeello kasoo gaadhay Roobabkii dhowaan ka da’ay qeybo k mid ah Waddamada Bariga Afrika, sida ay shalayto shaacisay QM.

Xafiiska isku xirka arrimaha Bini’aadam-nimada QM ee OCHA ayaa sheegay in Roobabkii sababay fatahaadaha iyo daadadka Bariga Afrika ay waxyeello gaarsiiyeen Guryo iyo kaabayaal dhaqaale, iyadoo ay jirto halis ah in ay goobahaasi ka dillaacaan cudurro uu ka mid yahay Daacuunka.

Bishii Oktoobar ee Sanadkan ayay ahayd markii ay Roobab sababay fatahaado iyo Daadad lixaad leh ay ku dhufteen meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, iyadoo ay sidoo kale dhowaan ay wax yeello kala duwan ka geysteen Waddamada Yugaandha, Tansaaniya iyo Kenya.

Digniin dhowaan lasoo saaray ayaa sheegeysa in laga baqdin qabo Roobab kale oo ka da’a Waddamo ay Soomaaliya ka mid tahay, gaar ahaan Dhulka Xeebaha ah,iyadoo Dowladduna ay si weyn uga gashaamatay, Dad weynaha u sameysay wacyi gelin ballaaran.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    WAXAY (U.N)tu HAY’ADAHEEDU KU SHAXAAD TAGAAN MAGACA UMADDA SOMALIYED WAXAY DUNIDU UGU SOO DHIIBTANA WAXAY GASHADAAN JEEBKOODA 90% IN KA BADAN,WAXAYNA KU DUL CUNAAN SHACABKA DUSHIISA,DUNIDANA WAXAY U SHEEGAAN INAY GAARSIIYEEN SHACABKII SOMALIYED EE DHIBANAA!!!!.
    LKN,WAXAAN ARKAA IN KUWA USOO DHIIBA DEEQAHA AY IYABA OGYIHIIN IN SHACABKA SOMALIYED AAN SIDAY TAHAY LOO GAADHSIIN WAXAY UGU DEEQEEN EE AY SOO MARIYEEN HA’ADAHA U.N-ka.TAAS BEDELKEEDANA AY IYABA KU BEDESHAAN DANO SIYAASADEED OO HA’ADAHAASI U FULIYAAN!!!!.FAHAMTU walaa LAA!!!??.
    WAA LAKALA XOOGSANAYAA….
    HA’ADAHA U.N-ka EE KA HAWLGALA SOMALIYA WAXAA ISKU DHAANTA(MAMA ASHA FOUNDETION)

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com