HomeUncategorized

Qaban qabada shirka dib u heshiisiinta ee Soomaaliya iyo Soomaaliland oo ka socota Istanbuul.

Ankara, July 07- 2013 - Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga waxaa ka socda qaban qaabada shirkii dib u heshiisiinta ahaa ee Dowlada federaalka ah iyo Soomaaliland, kaasi oo wejigiisii labbaad lagu qabanayo dalkaasi Turkiga dhowaan.

DHEGEYSO-Xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Bootaan oo u geeriyoodey dhaawac soo gaarey.
Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka Jubbaland oo ka hadlay doorashadiisa
DHEGEYSO-General Ereg oo kahadlay dhaawaca taliye ku-xigeenka 3aad ee booliska Puntland.

Ankara, July ?07- 2013 -? Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga waxaa ka socda qaban qaabada shirkii dib u heshiisiinta ?ahaa ee Dowlada federaalka ah iyo Soomaaliland, ?kaasi oo wejigiisii labbaad lagu qabanayo dalkaasi Turkiga dhowaan.

Ankara oo ah xaruunta Turkiga waxaa gaaray wasiirka arimaha gudaha dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed ?iyo wefdi uu horkacayo, iyo weliba wasiirkii hore ee arimaha debeda Maxamed Cabdulahi Cumar oo horkacaya wefdiga Soomaaliland, labbada dhinac ayaa arimaha shirkaasi ka hadlay waxayna sheegeen in uu muhiimad ?gaar ah leeyahay shirkaani.

Madaxda labbada dhinac ee shirka ka qeyb galaysa ayaa waxay shir is arag ah la yeelan doonaan maanta iyagoo ku kulmaya xaruunta wasaarada arimaha debeda ee Turkiga oo ku taala Ankara, wasiirka arimaha debbeda ee Turkiga Axmed Daa,uud ayaa qeyb weyn ka ah qaban qaabada shirkaasi.

? Shirkan wejigiisa labbaad ee ka dhacaya Istanbuul wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay wadda hadalladii Soomaaliland iyo Soomaaliya,? ayuu yiri hugaamiyaha wefdiga Soomaaliland Maxamed Cabdulaahi Cumar oo la hadlay saxaafada Turkiga.

Bishii April ee sanadkan ayaa Dowlada Turkiga waxay qeyb ka noqotey shirarka dib u heshiisiinta ee Soomaaliya iyo Soomaaliland,? waxaana shir balaaran oo intiisa badan diirada lagu saaray amaanka iyo la dagaalanka Burcad badeeda iyo Argagixisada uu ku soo dhamaaday Istanbuul, waxaase aad diirada loogu hayaa natiijada shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: