HomeUncategorized

DHEGEYSO-General Ereg oo kahadlay dhaawaca taliye ku-xigeenka 3aad ee booliska Puntland.

Garoowe, Dec 15 2016-Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.C/qaadir Shire Faarax Erag ayaa sheegay in la aqoonsaday cida ka danbaysa dhaawicii Saaka Taliye ku xigeenkiisi Saddaxaad Jaamac Saxardiid lagu gaystay Magaalada Bosaso ee Xarunta Gobalka Bari.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada Daljir iyo Maxamed Laki Man.
Al-shabaab oo la wareegay Kismaayo & warbixin ku saabsan khasaaraha dagaalka. [Dhegaysi …]
Danjiraha Eretria u fadhiya Nairobi oo beeniyey in dalkiisu caawiyo Al-shabaab.

Garoowe, Dec 15 2016-Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.C/qaadir Shire Faarax Erag ayaa sheegay in la aqoonsaday cida ka danbaysa dhaawicii Saaka Taliye ku xigeenkiisi Saddaxaad Jaamac Saxardiid lagu gaystay Magaalada Bosaso ee Xarunta Gobalka Bari.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. Erag ayaa tilmaamay in G/sare Jaamac saxardiid dhaawicii ay dhagarqabayaasha u gaysteen uu ka caafimaad qabo,walina Xaaladiisa Caafimaad  ay la tacaalayaan dhaqaatiirta Magaalada Bossaso.

Sidoo kale,Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland ayaa sheegay in Masuul dhaawaco  aysan waxba u dhimi Karin Amniga Puntland,isagoona intaas ku daray in kuwa falalka Amni lidka ku ah ay gacanta Ciidamada so galidoonan sharcigana la horkeenidoono.

“kuwa ku howlan falalka amniga lidka ku ah ee Puntland ku sugan,ha ogaadan sharciga ayay maalin hor imaandoonan waan laga xisaabindoona danbiyada ay dalka ka galayaan,wey ogyihiin casharadii aan horay ugu dhignay hadana waan u labo jibaarayna”.

Dhinca kale,Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.Erag ayaa Waaladiinta ilmahooda ay khaldan sharwadayaasha uga digay in ilmahooda la adeegsado,isagoona ugu baaqay in Culamada soomaaliyeed inay dadka uga waramaan Argagixisada iyo diintu waxay ka qabto.

“Sharwadayaasha kuwooda waaweyn iyagu isma qarxiyaan,waxna ma dilaan lkn waxay so khaldaan caruur yar yar ah oo sun ku so dureen,waalidiintu waa inay ilamahooda ceshtaan intaysan gacanta sharciga galin,ciidamaduna gacanta ku so dhigin.

Ugu danbaytii Taliyaha Booliska Puntland ayaa Shacabka ugu baaqay in ay amniga ka qayb qaatan,isagoona Xusay in boolisku ay yihiin shaqaalaha shacabka diyaarna u yihiin in ay mar kasta u adeegan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: