HomeUncategorized

Danjiraha Eretria u fadhiya Nairobi oo beeniyey in dalkiisu caawiyo Al-shabaab.

Asmara, Nov, 11 ? Safiirka dawladda Eretria u fadhiya dalka magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa been iyo waxba-kama jiraan ku tilmaamay in dawladiisu ay caawiso kooxda Al-shabaab.

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geerida general Maxamed C Samatar.
John Zagame oo u ololeeya dawladda Federaalka ee Somaliya oo si weyn u dhaliilay kaalinta dawladda Maraykanka ee Somaliya.
Abu Muscab oo loo magacaabay afhayeenka ciidan ee Al-shabaab & Sh. Cali Dheere oo tafaasiil ka bixiyey dagaalada maalinta 5-aad ka socda Muqdisho.

Asmara, Nov, 11 ? Safiirka dawladda Eretria u fadhiya magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa been iyo waxba-kama jiraan ku tilmaamay in dawladdiisu ay caawiso kooxda Al-shabaab.

Mr. Beyone Russom oo u waramay wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegay in dalkiisa ay wali saaran tahay cunaqabatayn xagga hubka ah, waxaana uu intaasi ku daray dhaq-dhaqaaqyada la xiriira dhinaca hubka inay fiiro gaar ah u leeyihiin oo had iyo goor ay kormeeraan dawladda Maraykanka iyo erko ka socota Qaramada Midoobay (QM).

Safiirka Eretria ee fadhigiisu yahay magaalada Nairobi, waxaa uu meesha ka saaray gabi ahaanba inay kooxda Al-shabaab ku caawiyeen saddex diyaaradood oo hubsida, kuwaasoo ka dagay garoonka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Mr. Beyone waxaa uu tusaale u soo qaatay in caalamku yahay mid isku xiran, isla markaana la arki lahaa diyaaradahaasi markii ay kor-marayeen hawada dalka Jabuuti, ama badda Cas.

Hadalkaan kasoo yeeray danjiraha Kenya u fadhiya dalka Eretria Mr. Beyone Russom ayaa kusoo aadaya, xilli ay Kenya si wayn arrintaasi ugu eedeysay xukuumadda Asmara, waxaana dawlado badan oo caalamka ah ay aaminsan-yihiin in dalka Eretria uu xiriir wanaagsan la leeyahay kooxda Al-shabaab.

Diiwaan Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: